“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu Amray In Aan La Takoorin Dadka Laxaadka La” Wasiir Maxamuud Xaashi

Ceerigaabo()Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu wasaaradaha Dawladda amray in aan ka takoorin dadka naafada ah.

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena xusay in dhamaan wasaarada dawladda laga shaqo galiyey dhalinayaro naafo ah, taasina ay muujinayso dadaalka ay Xukuumaduu arrintaa galinayso, wasiirka ayaa waxa uu sheegay in daryeelka naafadu ay tahay waajib qaran oo dawladda saaran.

Mudane wasiir Maxamuud ayaa arrimahaasi kaga hadlay munaasibad shalay ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo deeq 24 mooto iyo 48 baaskiil oo Madaxweynuhu ku deeqay uu wasiirku ku wareejiyey gudoomiyaha gobolkaasi si uu ugu qaybiyo dadka naafada ah ee reer Sanaag, waxaanu yidhi “ Saaka waxa milgo iyo maamuus weyn noo ah in aannu ku wareejino guddoomiyaha gobolka Sanaag Mudane Axmed Cabdi Falaay, deeq qalab mootooyin iyo baaskiilado isugu jira, 24 mooto iyo 48 baaskiil, oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ugu deeqay dadka curyaamada ah ama dadka naafada ah ee ku dhaqan gobolkan Sanaag.”

“ Maaha markii ugu horaysay ee Madaxweynaha iyo xukuumadda xisbiga KULMIYE ay il naxariis leh ku eegaan dadka naafada ah ama dadka lixaadkoodu dhantaalan yahay, waa mid siyaasadaya qayb ka ah, labadii sanno ee u dambeeyey gobolada Saaxil, Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal ayaa sannadba laba gobol la geeyey, sannadkan waxaannu gaadhsiinay labada gobol ee Sool iyo Sanaag, waxaan rajaynayaa inay si fiican ugu faa’iidaysteen dad baahi u qaba oo ILAAHAY (SWT) qadaray inay laxaad waayaan, oo inala mid ah oo aan inaga liidan, inaga caqli yarayn, inaga garasho xumayn, laakiin ILAAHAY xukunkiisu uu sidaa yahay, Ilaahay waxaynu u baryeynaa inuu u naxariisto, taban-taabiyo inagana waxa inala gudboon in aynu u naxariisano.”

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena xusay inay waajib qaran tahay daryeelka naafadu waxaanu yidhi “ Dadka naafada ah in la daryeelo waa waajib Ummadda saaran, hoggaamiyaha ummadda iyo xukuumadda saaran, markaynu isu naxariisno ayaa ILAAHAY inoo naxariisanayaa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu amray in aan la takoorin dadka laxaadka la’, aad ayuu marar badan uga hadlay wareegto ayuuna ka soo saaray wasaaradaha oo dhan xaga shaqada in aan la takoorin ayuu ku waajibiyey oo uu amray wasaaradaha.”

 

Wasiirka ayaa ka hadlay dhalinayro naafo ah oo laga hawl galiyey wasaaradaha dawlada waxaanu yidhi “ Sanadkii dhawayto wasaarad wal oo Qaranka ka mid ah waxa lagu qoray hal qof oo naafo ah, Wasaarada Madaxtooyada oo aan annigu masuul ka ahay qof baa ka shaqeeya, qof waliba waxbuu qaban kara haduu qayb la dhantaalan yahay qaybo badan oo maskaxdiisa iyo raganimadiisu ka dhamays tiran tahay ayaa jira.”

Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.