Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Si Heer Sare ah loogu qaabiley Madaarka Abu-dhabi ee dalka imaaaaadka Carabta

Abu-dhabi – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay waddanka imaaraadka carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay wadankaas Madaxweynuhu maantana ugu safray Imaaraadka Carabta. 

Waxaana madaxweynaha si meeqaam sare leh ugu qaabilay madaarka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana weftiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda imaraadka carabta.

Meeqaankan lagu qaabiley Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland iyo Weftigiisa ayaa ah mid qiimihiisa leh oo ka turjumaya xidhidhka wanaagsan ee horumarka laga gaadhay ee dhidibada loogu taagay arrimaha la xidhiidhka ganacsiga, arrimaha bulshada, iyo dhinacyada siyaasada ee Imaaraadka iyo Somaliland, muddooyinkii u danbeeyey ay ka wada shaqaynayeen.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.