Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabilay Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Ruushka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed  Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley caawa, Mudane, Ziyad Sabsabi oo xubin ka ah aqalka sare ee xidhiidhka Ruush-ka, isla markaana ah ku xigeenka gudoomiyaha guddida cilaaqaadka dibeda ee aqalka sare ee federaalka Ruush-ka, oo dalka keenay deeq raashina oo uu kaga wakiil yahay jimciyada Axmed Qadiroof ee u qaabilsan dalka Jejniya (Chechnya) caawimooyinka dibeda.

DSC_0001

Jimciyadda mucaawimooyinka dalka Jejniya  oo ka mida federaalka Ruush-ka ayaa waxa loogu magacdaray  Axmed Qadiroof oo ah madaxweynihii hore ee Jejniya , oo geeriyooday, haatana ay gudoomiye ka tahay jimciyadaasi Marwadiisi Eymaani Qadiroof, iyadoo dalkaasina uu hogaamiyo Ramadaan Qadiroof oo uu dhalay madaxweynaha hore, ayaa waxa Mudanahani dalka Somaliland soo gaadhsiyey mucaawimo raashina oo laxaadleh oo ay kaga qaybgelayaan gurmadii abaaraha Somaliland, jawaabna u ah baaqii abaaraha ee madaxweynuhu u gudbiyey beesha caalamka.

Madaxweynaha oo ugu horayn halka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey mudanahan ka tirsan aqalka odayaasha Ruushka, waxanu ka mahadceliyey inay ka soo qaybgalaan iyagoo ah dalka Jejniya  gurmadka abaaraha ee Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi Madaxweynuhu ”aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin mucaawimooyinka qiimaha leh ee aad kaga soo qaybgasheen abaaraha dalkayaga ka dhacay, uguna damqateen dadkayaga, waxanan rajaynayaa inay tani bilow wanaagsan u noqoto iyo sees adag xidhiidh dhex mara labada ummaddood ee labada dal”.

DSC_0003

Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday mudanaha martida ahaa inuu salaam ka gaadhsiiyo iyo mahadnaq gudoomiyaha jimciyadda Axmed Qadiroof iyo Madaxweynaha dalka Mudane Ramadaan Qadiroof. Isagoo shahaaddo sharaf hawlkarnimo, iyo muujin mahadnaq u gudbiyey marwo Eymani Qadiroof iyo hadyad ka kooban Khariirada Somaliland oo uu ku xardhan yahay calanka Somaliland iyo astaamo ka turjumaya qaranka Somaliland.

Dhiniciisa Mudane Ziyad Sabsabi wuxu sheegay inuu dalka yimid todobaadkii hore, lana kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland, oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, iyo wasiirka Duulista iyo Hawada, indhihiisana uu ku arkay dhibaatadii abaaruhu sababeen ee ku habsaday gobolada dalka qaarkood.

Wuxuu intaa raaciyey inuu warbixin ku celiyey dalkiisi, haatana uu dalka keenay mucaawimooyin raashina oo ka kooban 240 Tan oo isugu jira cuntooyin kala duwan, iyadoo ay jidka ku soo jiraan 80 tan oo kale oo raashin ah.

Xubnaha guddida heer qaran oo ay ka mid yihiin wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo ku xigeenka guddida, sheekh Xasan Cabdisalaan oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa sheegay in raashinkaasi hore ay qaybintiisu ilaa hadda ka socoto goobihii loogu talogalay.

Mudanaha Ruushka ahi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in markii markuu Ruushka ku noqday uu Somaliland ka warbixiyey, si gaarana ugala sheekaystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda ee Ruushka, una sheegay inuu jecel yahay in Somaliland lala bilaabo xidhiidh bulsho, dhaqan, iyo mid wax-wada qabsiba, kuna rajo weyn yahay in imika laga bilaabo uu xidhiidhka labada dal ee Ruushka iyo Somaliland uu noqdo mid joogto ah.

Gebegabadii xildhibaanka oo u mahadnaqaya madaxweynaha iyo dawladda Somalilandba waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne, waxa aanu nahay ummad walaalihiin ah oo farax iyo dhibaataba idinla qaybsanaya, waxanan aad kaaga mahadnaqayaa qaabilaadaadan aad caawa iqaabishay iyo soo dhawayntii iyo wada shaqayntii aanu wada yeelanay guddida abaaraha ee heer qaran ee uu gudoomiyaha u yahay madaxweyne ku xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.