Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabilay Hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye oo Dalka u Yimi La Wareegista Maxaabiis Madaxweynuhu Hore U Cafiyey

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xalay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas  oo laga  soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.

Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, ayaa maantaba u ambo baxay dalkoodii Hooyo ee Soomaaliya, iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii satootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.