Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Magacaabis iyo xil-wareejin Ku Sameeyey Laba Jago

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa sameeyey xil-wareejin iyo magacaabis ku sameeyey gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxaa sidoo kale magacaabay Gudoomiye Degmo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyadda.

War-saxaafadeedkan lagu shaacinaayey wareegtadda madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Xuseen Dayr ayaa u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4621/032017 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Badhan, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, halka uu xilkii uu qaranka u hayeyna ka qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi.    

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Badhan;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Xuseen Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ø Sidoo kale Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahamiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

In Mudane, Cabdirkariim Maxamed Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka Qaadis

Ku:      Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi,

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda    

Og:      Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda                                        

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdirkariim Maxamed Xaaji Cali, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaan farayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.