Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Masuul Sar-sare Oo Ka Tirsan Dawladda Maraykanka

Washington -(warsoor)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Kulanka la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka kala socday, wasaaradda Arrimaha Dibeda Maraykanka, hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee u qaabilsan Maraykanka (USAID), iyo Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta iyo dardar-gelinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarka ee danta u ah labada dhinac.

Warbaahinta Madaxtooyada JSL