Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Maayarrada 23-Ka Degmo-Doorasho Ee Dalka

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhammaanba maayarrada kala duwan ee dhawaan loo doortay 23-ka degmo-doorasho ee dalka.

Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa loona dardargelin lahaa wada-shaqaynta dawladaha Hoose iyo dawladda dhexe, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarrada kala duwan ee degmo-doorashooyinka dalka, islamarkaana ahaa kii ugu horreeyey ee ay madaxweynaha iyo maayarradu wada yeeshaan, ayaa si qoto dheer la isugu xogwaraystay, waxana diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo lagu dhaqaajiyo hawlaha qaranka iyo waajibaaddada saaran maayarrada dalka.

Ugu horrayn wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladaha Hoose, Mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo hadalka furay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha maayarrada ah ee degmooyinka dalka, waxana xusay inay meel wanaagsan marayso wada-shaqaynta dawladaha Hoose iyo dawladda dhexe ee dalku.

Xubno kamid ah maayarrada degmooyinka kala duwan ee dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa si habsami leh uga warramay xaaladda degmooyinka ay madaxda ka yihiin iyo sida ay baahida ugu qabaan in lasii xoojiyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin dawladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay niyadsami ku qabaan in lasii xoojiyo isku duubnidaas iyo wada-shaqayntaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo xubnaha maayarrada ah u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabnaysa, ayaa si waayeelnimo leh u hogo-tusaaleeyey sidii ay wada-jir ugu diyaargaroobi lahaayeen masuuliyadda saaran, natiijo fiicanna ay ka keenaan waxyaabaha ay bulshadu ka filayso ee dhinacyada horumarka adeegyada Aas-aasiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha maayarrada ah kula dardaarmay inay amniga iyo nabadgelyada deegaannada ay muhiimad gaar ah iska saaraan, si ay qorsheyaashooda waaweyn u hirgeliyaan, bulshadana uga helaan gacan iyo taageero buuxda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha maayarrada tusay culayska waajibaadka saaran iyo sida loogu baahan yahay inay is ururiyaan, qawlkooda iyo ficilkooduna noqdaan qaar is waafaqsan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maayarow maalintaad xil qaadday xuquuq badan oo aad lahayd baad weyday, hadalkaagu waa xaddidan yahay, dhaqankaagu waa xaddidan yahay, goobtaad tegaysaa way xaddidan tahay, waxaad qabanaysaana way xaddidan tahay.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in maayarradu haystaan awoodo qeexan oo uu siinayo sharciga dalku, islamarkaana ay dawladda dhexe leedahay door ay ku hubin karto xaalad kasta oo laga sheegto maayarrada, amarka maayar la’aantiina aanay wax fadhi ah yeelan kari,“Tolka aad leedahay waa sharciga iyo xeerka, haddii aanad qaldanayn oo aad wax wanaagsan waddo ninkii aad dooddeen xagga sharcigaad kaga baxsan kartaa, sharciguna waa cadyahay oo golaha deegaanku wuxuu fadhiisan karaa marka uu oggolaado badhasaabku, dawladaha Hoosena waxay curin karaan xeer iyo sharciyo ay leeyihiin, markaa xeerkaagu adiguu kuu gaar yahay, haddii uu kii dawladda dhexe kaa horyimaaddo oo dawladda dhexe kaa hor yimaaddo waad joogsanaysaa, maxaa wasaaradda loo siiyey awooddaas, waxa loo siiyey inay eegto qaladaadka ka yimaadda dawladaha Hoose,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu xubnaha maayarrada ah kula dardaarmay inay noqdaan hoggaamiyayaal la mahadiyo oo taariikhdu berri xusto, islamarkaana ka taga taariikh cuddoon oo halqabsi wanaagsan noqota.

Wa-bilaahi Tawfiiq