Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Balaadhan la qaatay Isimmada dhaqanka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo waayeelka Gobolka Sool

Laascaanood – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo xalay u hoyday magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa shir balaadhan la qaatay Isimmada madaxda dhaqanka oo uu hoggaaminayey garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, siyaasiyiinta gobolka, waayeelka iyo waxgaradka ku dhaqan gobolkaasi.

Kulankaas oo ay ujeeddadiisu daarranayd is-xogaraysi iyo horumarinta gobolka Sool, ayaa waxa hadalo kala duwan ka jeediyey isimmada dhaqanka, xildhibaanno, siyaasiyiin, waxgarad iyo waayeel tiro badan oo dhamaantood iska daba-maray sidii loo dardar-gelin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha Aas-aasiga ah ee gobolka Sool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey waanooyinka iyo tusaalayaasha ay soo jeediyeen isimmada dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Sool, waxana uu sheegay inuu weelayn doono waxyaabaha ay waxgaradkaasi soo jeediyeen.

 
        Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.