Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Mashruuca Wax Soo Saarka Banka Wajaale, Waddooyin Cusubna Xadhigga Ka Jaray

Gabiley – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta xadhigga ka jaray waddooyin cusub oo laga hirgeliyey magaalooyinka Arabsiyo iyo Gabiley.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Gabiley, ayaa xadhigga ka jaray waddooyinka cusub ee maamulka dawladda Hoose ee gobolka Gabiley ku fuliyeen xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo.

Madaxweynaha oo ku guda jira safar shaqo uu ku tegay deegaanno hoos yimaadda gobolka Gabiley, ayaa sidoo kale kormeeray mashruuca wax soo saarka beeraha ee banka Wajaale, waxana uu indhihiisa  shaqo lagu jarayo hadhuudh iyo badar kala duwan oo mashruuca ay wasaaradda Beeruhu gacanta ku hayso ee Banka Wajaale kasoo go’ay.

HALKAN KA DAAWO:

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.