Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Ilaalada Xeebaha

Hargeysa-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Ilaalada xeebaha oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka.

Munaasibaddan oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, safiirro, madax kala duwan oo socota hay’adaha wada-shaqaynta dhaw la leh ciidanka Ilaalada xeebaha iyo marti-sharaf kale, ayaa laga soo jeediyey khudbado kala duwan iyo masraxiyado ka marag-kacaya muhiimadda ay qaranka ugu fadhiyaan ciidamada ilaalada xeebuhu.

Ugu horrayn waxa madasha lagu soo bandhigay Film ka hadlaya hawlaha shaqo ee Ciidanka ilaalada xeebaha iyo masraxiyad ka hadlay sida ay ciidanka ilaalada xeebuhu halbowlaha ugu yihiin horumarka dalka iyo sugidda amniga xeebta dheer ee Somaliland oo ay ka hirgeliyeen amni iyo xasillooni badan.

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, Admiral Axmed Hurre Haarriye oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay taariikhdii kala duwanayd ee ciidanku soo maray, dedaalladii ay soo sameeyeen iyo sida naf-hurnimada leh ee ay ugu hagar baxeen shaqada culus ee ay qarankooda u hayaan, waxana uu sannad-guurada aas-aaska 27-aad ku hambalyeeyey dhammaanba ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda ay ciidanka Ilaalada xeebuhu leeyihiin iyo sida ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo la dagaallanka Aafooyinka dabiiciga ah ee ay Duufaannada iy dabku ka midka yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa ku dheeraaday kaalinta lama illaawaanka ah ee ay ciidanka Ilaalada xeebuhu ugu jiraan qaranka qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in ciidanka Ilaalada xeebuhu muddo kooban ku gaadheen guulo waaweyn oo mudan in hambalyeeyo, waxana uu yidhi,“Waxaynnu halkan dhammaanteen u nimi inaynnu hambalyeynno, horumarka ay samaynayaanna ku bogaadinno ciidamada ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu ku bogaadinaynaa inay waajibkoodii qarannimo qabsadeen iyaga oo bilow ah.”

Wa-bilaahi Tawfiiq