Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shir Weynaha Caalamiga Ah Ee Arrimaha Saxaafadda Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasibadaasi ayaa yidhi “Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan ka soo qayb galo munaasabaddan qiimaha badan ee ay isugu yimaadeen Ururka Suxufiyiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLJA, si ay uga tashadaan danaha iyo horumarka saxaafadda.

dsc_0259

Ugu horreyn, 9-ka November, oo ah maalintii loo aqoonsaday maalinta saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan hambalyo ballaadhan u dirayaa dhammaan Bahda Saxaafadda Somaliland, meel ay joogaanba.  Mar labaad, waxaan ku bogaadinayaa Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo kuwa Dawliga ahba, doorkii dahabiga ahaa ee ay ka soo qaateen dib-u-dhiska, nabadgelyada iyo horumarka dalka.

Waxaan qirayaa, in suxufiyiinta da’da yar ee Somaliland, iyaga oo aan helin maalgelin ku filan ay xaqiijiyeen xilkii iyo waajibaadkii qarankan kaga beegnaa. Aniga oo ka faa’iidaysanaya munaasibaddan, waxaan u ducaynayaa dhammaan intii mihnad-layaasha saxaafadda ka geeriyootay, oo uu hormuud u yahay Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, oo ahaa aasaasihii Saxaafadda Madaxa-banaan ee Somaliland.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xorriyadda Saxaafaddu waa Tiir ka mid ah Tiirarka ugu muhiimsan ee mabaa’diida u ah hab-dhaqanka iyo Dimuqraadiyadda ka tisqaaday Jamhuuriyadda Somaliland ku dhisan tahay.  Caad iyo ciiro toonna ma saarna, in Xoriyatul Qawlka iyo Madax-bannaanida warbaahinta kala duwan ee Somaliland gaadhay ama ku guulaysatay, aanay maanta ka jirin inta badan Waddamada Qaaradda Afrika. Arrintani waxa salka ku haysaa:

  1. Baraaruga Bulshada iyo Bisaylka Siyaasadda Somaliland.
  2. Shuruucda iyo Dastuurka Dalka oo si buuxda u damaanad qaaday xuquuqda aasaasiga ah ee Madax-bannaanida Saxaafadda.
  3. Xasuusta xanaftii iyo xannuunkii laga dhaxlay nidaamkii ku dhisnaa cadaadiska, cago-juglaynta iyo cabudhinta loo gaysto xoriyatul qawlka.

Waxaan aaminsanahay, in ay tahay Saxaafadda xorta ahi, muraayadda keliya ee laga daawan karo qaran madax-bannaan, taasoo kobcisa ama kor u qaadda garaadka iyo fikirka bulshada fayow. Saxaafaddu waxay dhiirri-gelisaa, hayaanka horumarka, hiigsiga himillada wanaagsan, ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiyadda, tayeynta maamulka wanaagsan, iyo xil gudashada madaxda qaybaha kala duwan ee  bulshada. Saxaafaddu waxay xaq u leedahay in ay xilkeeda u gudato, si waafaqsan shuruucda dalka, isla markaana aan loo geysan wax cadaadis ah, ama hagardaamo ah oo qawaaniinta baalmarsan.

Aniga oo ah Madaxweynihii qarankan, waxaan ka soo horjeedaa in la cabudhiyo Saxaafadda Madaxa-banaan. Fikirkaasi waxa uu ahaa mid aan caan ku ahaa doodiisa iyo dagaalkiisa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin hadduu seexdo, oo soo tooso, waa isagii”. Sidaa darteed, waxaan leeyahay ma jiro wax maanta iska-kay bedelay, ee sidii baan u aamin-sanahay arragtidaa siyaasadeed. Suxufiga sharci darro laguma xidhi karo, lagumana xad-gudbi karo. Hase-yeeshee, Suxufigu waa bini’daam gafi kara, haddii lagu eedeeyo dunuub ama xuquuq dad muwaadiniin ah oo uu ku xad-gudbay, waa in loo maraa dariiq sharci iyo garsoor madax-bannaan.

Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga iyo Maamullada Gobollada Dalka, inay ixtiraamaan, isla markaana dhawraan xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta. Dhinaca kale, Saxaafadda waxa waajib ku ah, ilaalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana in ay u hawl-gasho si wadaniyad iyo dal jacayl leh. Sidaa awgeed, waxaan u soo-jeedinayaa inay ka feejignaato baahinta wararka laf-jabka ku ah maslaxadda iyo danaha qaranka.

Waxaan soo dhaweynayaa, dhaliilaha dhabta ah iyo talooyinka toosinta xambaarsan ee saxaafadda madaxa-bannaani maamulkayga u soo jeedinayso. Waxaan dulqaad weyn u leenahay dareemmada togan ee Dawladdayda lagu durayo, balse waxa reebban been abuurka iyo wararka aan sal iyo raad toonna lahayn, kuwaas oo loo baahan-yahay in Saxaafadda iyo Suxufiyiintu ka waantoobaan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Warbaahinta kala duwan ee Madaxa-bannaan, waxaa looga baahan-yahay, isla markaana waajib ku ah:

  1. inay ku shaqayso dhex-dhexaadnimo iyo madax-banaani.
  2. inay dheeli-tirto wararka ay baahinayso.
  3. inay ilaaliso ku dhaqanka shuruucda, anshaxa iyo asluubta suuban.
  4. in ay dhawrto xuquuqda iyo xurmada dadka muwaadiniinta ah ee kale, sida ay xaq u leeyihiin in la dhawro xuquuqdooda iyo xurmadooda xirfadeed.
  5. in ay birma-gaydo yeelato, oo si weyn u dhawrto arrimaha saamaynta ku leh qarannimada iyo amniga dalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, waxa ka go’an taakuleynta iyo taban-taabinta Saxaafadda. Waxaan ballan qaadayaa in aanu fulino ama meel-marino arrimahan:

  1. Aasaasidda ama samaynta Xarun Saxaafadda u gaar ah iyo kobcinta aqoonta suxufiyiinta.
  2. in Xukuumaddu kordhiso 2017-ka kharashka kabka ah ee SOLJA, iyada oo ay taakulayntan Dawladdu bilowday sannadkan 2016-ka.
  3. In Bahda Saxaafadda, gaar ahaan Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, aanu iska kaashanno Dib-u-habaynta Shuruucda Saxaafadda.

Ugu danbayn, sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay dad iyo duunyaba. Sidaa darteed, waxa inala gudboon gurmad balaadhan shacbi iyo xukuumadba. Waxaannu ku mashquul-sanahay abaabul xooggan oo dadkaa tabaalaysan taakulo lagu gaadhsiin lahaa. Si deg-deg ah, Xukuumad ahaan, waxaannu gaadhsiinaynaa dadkaa tabaalaysan Siddeed Bilyan oo Somaliland Shillings ah. Haddaba, waxaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda ka hawl-gasha dalka ugu baaqayaa in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, gaar ahaan, baahinta wararka ku saabsan abaaraha.

Ugu dambayntii Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharaf gudoonsiiyey weriyeyaal  ku guulaystay tartan saxaafadu u gashay soo tebintii xaalada abaarta baahsan ee ka jirta gobolada bariga Somaliland, kuwaasi oo ay ururka saxafiyiinta Somaliland u qabteen kuna kala saareen guddiga ka kooban ruug cadaaga bahda saxaafada Somaliland.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh,

Somaliland Ha Guulaysato,

Waad mahadsan-tihiin,

dsc_0155

dsc_0123

dsc_0120  Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland
            nasirnaska77@gmail.com
Tell: 63-4423774

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.