Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo maanta xabaalaha masallaha ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Aaska qaran ee loo sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa waxa  madaxweynaha kala qayb-galay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyayaal katirsan ciidamada kala duwan ee qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, salaadiin, culmimaa’udiin iyo badiba haldoorka reer Somaliland, waxana  salaadda jinaasada lagaga tukaday masaasjika Sheekh Mustafe ee magaalada Hargeysa.

Ugu horrayn qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka oo hadallo kooban ka jeediyey goobta Aaska, ayaa marxuumka  Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxana ay tacsi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo ciidanka Booliska ee uu taliyahooda ahaa.

Guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii uu marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan ka baxay iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxana ay ku dheeraadeen doorkii uu ku lahaa dhismaha nabadda.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo xabaasha dusheeda ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu marxuumku kamid ahaa bud-bigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntooda, isaga oo wasiirku tacsi u diray ciidamada Booliska iyo ehelladii uu marxuumku ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum Cabdilaahi Fadal uu noloshiisa u huray hirgelinta nabadda iyo dhismaha ciidamada Booliska Somaliland, “Ninkaasi intii uu noolaa qaranka uun buu u shaqaynayey, soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Somaliland maalintii la Aas aasay ilaa iyo maanta waxan u malaynayaa nabadgelyada nin la mid ah mooyaane nin uga badsaday dhisiddeeda iyo ilaalinteeda inaanu jirin, sarkaal hoose ayuu kasoo bilaabay iyada oo aannu xabsi jirin, ilaa maanta uu ciidanka dhan ee uu sarreeye gaaska ka ahaa ka dhismay, intaas oo taliye oo soo shaqaysayna hawlgelinta ayuun buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah u xusay sifooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Marxuumku lahaa waqtiyadii uu shaqada ku jirey, waxana uu yidhi, “Telefoonkiisu ma damaynin, ma seexanayn, ma nasanayn oo nabadgelyada uun buu u taagnaa hadh iyo habeen, Ilaahayna wuu ka abaalmarin doonaa, Taariikh ifka oo wanaagsan oo halgan uu dalkiisa dhisayna wuu leeyahay.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.