Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Gardarrada Soomaaliya Ee Ka Dhanka Ah Qaddiyadda Somaliland, Xaaladda Abaaraha Iyo Arrimaha Gobolka Kasoo Kordhay

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh uga hadlay arrimo door ah oo salka ku haya gardarrada joogtada ah ee ay Soomaaliya ku hayso qarannimada iyo madax-bannaannida Somaliland iyo xaaladda abaareed ee mar kale ka curatay gobollo kamid ah dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta jir shiraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hadalkiisa si gaar ah diiradda ugu saaray dacwado ka dhan ah maal-gashiga marsada Berbera iyo heshiisyada ay Jamhuuriyadda Somaliland la gashay shirkadda DP World oo ay Soomaaliya u gudbisay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, waxaana uu tallaabooyinkaas ku tilmaamay qaar ka dhan ah himilada qaranka, kana hor imanaya go’aankii shacabka reer Somaliland hore ugu gaadheen inay dawlad madax bannaan ku noqdaan.

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan qaadeen wixii tallaabooyin ahaa ee ay kaga hor tegayeen dacwadaha ay Soomaaliya gudbisay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaad ka war qabtaan in dawladda Muqdisho ay dacwad geysay golaha Ammaanka, dacawaddaas oo ku saabsan Somaliland dhulkeeda oo ah heshiiska ay dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen, gaar ahaan DP World iyo mashaariicda aynu la galnay in Berbera lagu horumariyo. Arrintaas iyada ah meelaha ay khusayso waanu gaadhsiinay waraaqaheeda iyo warkeeda, qaranka Somaliland-na waxaanu  jecellahay in aan u iftiimiyo waxa jira.”

Isaga oo sharraxaya ubucda gardarrada dawladda Muqdisho, waxa uu yidhi, “Sida dadka qaarkii arrinta u dhigaan ee yidhaahdaan DP World bay dacweeyeene innaga (Somaliland) inamay dacweyn, DP World innagaa heshiiska la galnay, goobta lagula galay ee laga wada-hadlayaana waa Somaliland oo waa Berbera, DP World-eey maxaad  Berbera u tagtay oo aad heshiis ula gashay ninka lihina waa ninka Muqdisho ka taliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday taariikhda ma guuraanka ah ee isla soo mareen dalalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo sida aanay Somaliland marnaba qayb uga ahayn dawladihii loo dhoob dhoobay Soomaaliya, waxaana uu yidhi, “Markaan taariikhdii hore ee aynu in badan ka hadalnay ee qoraalka ah aynu iska dhaafno waxa aynu kasoo qaadaynaa markii dawladdii Militeriga ahayd ee jabhaduhu la dagaallamayeen laga adkaaday aynu ka bilowno 1991-kii, wixii shir loo qabtay Koonfur oo ay ugu horreeyaan kuwii Xasan Guuleed qabtay ee labada shir ahaa ee Jabuuti, Somaliland shaqo kuma lahayn, wefti uma diran, caalamkuna wuu ogyahay, iyaguna way ogyihiin, wixii ay dawlad dhisanayeenna midna shaqo kumaynaan lahayn. Shirkii kale ee dawlad lagu dhisay waxa uu ahaa kii Carta, waxaana dawlad loogu dhisay Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jirey, Somaliland-na shaqo ay ku lahayd dawlad ahaan may jirin, Somaliland qayb kama ay ahayn Carta, sidii ay wax u qaybsadeen iyo weftigoodii midna, way jiraan ashkhaas tagtay oo reer Somaliland ah laakiin waxa ay ahaayeen qolo gef ka gashay qaranka, markii ay yimaadeenna waad ogaydeen in qaar la xidhay, qaran ahaanna uu ka yaallay xeer. Haddii laba qaran la yahay waxyaabaha qadafka ah ee aanad qofka xaq ugu lahayn oo meel ah oo aad ugu soo gabbato aan lahayn waa lagala baydhaa.”

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray, “Labada dawladood waxa ay midoobeen oo Xamar isugu tageen 1960-kii, 33-kii xildhibaan ee halkan ka tegay iyo 90-koodii iyo wixii oo la isku daray oo aynu aqbalnay oo aan ahayn wax laga heshiiyey, yeelkeedee caalamka loo gudbiyey waxa ay ahayd Somali Republic oo labadaas ka kooban oo mustacmaradihii Ingiriiska iyo Talyaaniga ah, magaca Qaramada midoobay yaalla ee ay dhaca iyo gardarrada ku sitaan waa kaas,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si waafi ah u hogo-tusaaleeyey sida kaliya ee xidhiidh midho-dhallihi u dhex mari karo Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo xusay burburka ka taagan Soomaaliya  iyo sida ay uga midaysan yihiin cuno-qabataynta Somaliland, horumarkeedana u diiddan yihiin, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland waxa ay taagan tahay laba dawladood oo isu tegay ayeynu ahayn, soddon sano oo kadeed ah oo khilaaf ah baynu u taagnayn, labadii dawladoodna mid waliba dhankiisa ayuu wax u dhistay, Haddii walaaltinimo la doonayo oo midnimo la doonayo oo shicibka koonfureedow lexejeclo Soomaaliyeed idin hayso, waxa kaliya oo aynu isugu iman karnaa inaga oo laba dawladood oo walaalo ah oo is qaddarinayna, iyada oo saaka Xamar Baarlamaankeedii laba qol u kala fadhiyaan oo isku dilayaa, oo ay Kismaayo dawlad gaar ah oo ay Baydhabo mid gaar ah, tahay oo Banaadir mid gaar ah oo ay Garoowe mid gaar ah tahay, ray’iga qudha ee intaas oo dhammi ku heshiiska yihiinna tahay Somaliland annagaa dusha ka xukunna oo ma noolaan karta oo ma shaqaysan karto.”

Madaxweynuhu waxa uu baaq  uu ku sharraxay aragtida Jamhuuriyada Somaliland ka qabto gardarrada Soomaaliya u diray dawladaha caalamka iyo urur-goboleedka ay ku bahoobeen dawladaha Afrikada Bari, “Dawladaha Jaarka ah, IGAD iyo caalamka waxa aanu u sheegaynaa arrintaas ay soo faro-gelisay dawladda Muqdisho ee mashaariicda Berbera waa weerar cad iyo faro-gelin, umana dul-qaadan karno, Somali Republic-gga qaramada midoobay aqoonsadeenna waxaanu u aragnaa inay eexasho ka galeen shicibka reer Somaliland, waana ka dacwoonaynaa, caalamkana uga daali mayno in aanu gardarrada dhacda sidii loo sixi lahaa galno, Somaliland-na waxaan leeyahay taas ku niyad-jabi mayno innanna dhibi mayso, isla markaana baaq u diray beesha caalamka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si faahfaahsan oo qoto dheer ugu hadlay xaaladda waqtiyadana kasoo cusboonaatay mandaqadda geeska iyo guud ahaan caalamkaba, waxaana uu iftiimiyey halka ay Somaliland ka gelayso tartanka quwadaha dunidu ugu jiraan istaraatiijiyada ay Somaliland ku taallo,  waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Gobolka aynu ku nool nahay duufaanno siyaasadeed baa ka jira, isbeddelo badan baa socda, waxa Ilaahay ina dejiyey mandaqad istaraaji ahaan aad u wanaag oo marta dhuunta adduunka oo dhammi ka baayac-mushtareeyo oo haddii aynu caqli wanaagsan keenno meel la dego ugu wanaagsan, dhulkaa aynu deggenahay labadii boqol ee sano ee ugu dambeeyey waa lagu tartamayey, wayna jiraan siyaasado iyo dabaylo dhan walba isu dhaafaya, taana waxa aynu ka raacaynaa haddii aynu Somaliland nahay ta innaga danteena mustaqbalka fog iyo ka dhawba ay faa’iido ku jirto, nolosheenuna kuma xidhna maanta iyo Berri, inteenna noolna ma ahee, jiilasheenna dambe maxaa inoo faa’iido ah, maantana maxaa inoo dan ah baynu ka duulaynaa.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay xidhiidhka ma guuraanka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in xidhiidhka labada dalwadood ka dhexeeyaa halkii ugu wanaagsanayd marayo, isla markaana maal-gashiga marsada Berbera aanu waxba u dhimaynin saaxiibtinimada labada dawladood iyo wada-dhalashada labada shacab,“Jabuuti waa walaaladeen, arrimaha siyaasadda ee jirana innagu nabad iyo walaalo ayeynu ka nahay, DP World oo kasoo guurtay oo Berbera timi waa arrin ganacsi, markaad shaadh iibsanaysona tukaan baad gashaa, haddaad af garanweydona ka ku xiga uun baad ka iibsataa, ma aha in Jabuuti halkan (Somaliland) waxyeello kaga duulayso, mana ah haddii ay Jabuuti iyo DP World is qabtaan mid Somaliland belaayo kaga soo duulayso, muhiimadda iyo walaaltinimada aynu nahay baa ka weyn, wax la buun buuniyo oo marmarka qaarkood dadku wax ka dayaan in innaga  iyo DP World dhex marayaa xidhiidhka Jabuuti wax yeelayona ma ahee waxa aynu isu nahay baa ka weyn, wanaagna wuu inaga dhexeeyaa, wax khilaaf ahna ma lihin, mad-madowna halkaas kuma jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hadlay xaaladda abaareed ee Somaliland mar kale kasoo cusboonaatay, waxaana uu wax ka beddelka xaaladdani waqti dheer qaadan doonto, waxaana uu yidhi, “Ilaahay Baryo uun baynu ku leenahay iyo inuu inoo celiyo noloshii uu ina baray ee raxmaadka iyo barwaaqada ahayd inuu inoo soo celiyo uun baynu ka baryeynaa, hase yeeeshee caalamka waxa aynu u sheegaynaa in cimilada is beddeshay iyo abaaraha is-daba joogga ah ay maantana Somaliland ka taagan tahay dalka intiisa badan oo roobkii sanadkanna seejiyey, waxa aynu ka qabanayno iyo nolosheenu sida ay noqonaysaana waqti dheer bay qaadanaysaa.”

Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey inay qaran ahaan ay waqtigan mudan tahay in  la qaado laba tallaabo oo mid mustaqbal iyo mid waqtigan taagan ah, isaga oo farriin u diray dhammaanba shacabka reer Somaliland,“Maanta dadkeenii waxa ay deggen yihiin Baro-kacayaal, tuulo walba waa la dul ooday, qaran ahaanna laba tallaabo ayaa inala gudboon, mid waa imika waxa aynu qaban karayno, midina waa mustaqbalka. Dawladda waxa la gudboon inay qorsheyaasha keento iyo sidii looga bixi kari lahaa, shicibkana waxa looga gudboon kii wax haya, caqli, dhaqaale iyo xoog inuu ka qayb-qaato, imika waxa aynu qaban karno iyo mustaqbalka waxa aynu qaban karnoba, annagana waxa naga qorshe ah in mustaqbalka dhaw dadkan sidii noloshooda loo beddeli lahaa aynu  galno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.