Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Farxadda Ciidda Darteed Soo Kormeeray Huteellada Waaweyn Ee Caasimadda Iyo Goobaha Kale Ee Carruurta Lagu Ciidsiiyo

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka oo ah maalinta koowaad ee munaasibadda ciidal fidriga, waxa uu soo kormeeray goobaha huteellada waaweyn ee caasimadda oo ay sugnaayeen dadweynaha ciidayaa iyo sidoo kale barxadaha maalmaha farxadda lagu ciidsiiyo carruurta.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, iyo taliyeyaasha ciidamadu, ayaa kormeer uu dadka kula qaadanayo farxadda ciida kusoo maray huteellada kala ah Garaan-haddi, Kaah, Nasiye, iyo goobta carruurta lagu ciyaarsiiyo ee Huteelka Cosob, waxana uu halkaas kula kulmay dadweyne faraxsan, kuwaas oo uu qaddar sheeko ah la qaatay madaxweynuhu.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay boqollaal kamid ah shacabka caasimadda oo waayeel iyo carruur isugu jira, kuwaas oo farxadda ciidda awgeed kulan salaam ah ugu yimi madaxweynaha.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Khadka telefoonka kula xidhiidha madaxweyneyaal iyo saraakiil sare oo waddamada deriska ah oo ay kamid yihiin madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga talada Ethiopia haya ee PP, Mudane Aadan Faarax iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), kuwaas oo ay isugu hambalyeeyeen maalinta farxadda ciidal fidriga awgeed.