Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE

Boorama – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah  u daah-furay shirka lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE maanta ka furmay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee  ka furmay magaalada Boorama oo ay ka qayb-galeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland, hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE,  wufuud  caalami ah oo ka kala socota dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya, xubno ka socda axsaabta mucaaridka, ergooyin xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka, salaadiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku saabsan Dimuqraaddiyadda xisbiga KULMIYE iyo horumarka uu Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiiyey muddadii ay xilalka qaranka u kala dambeeyeen hoggaankiisu.

Xubno isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo haldoor kale oo madasha ku sugnaa oo hadallo ka jeediyey shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si weyn u ammaanay  Dimuqraaddiyada iyo furfurnaanta ka muuqata xisbiga KULMIYE, waxana ay hoggaankiisa ku ammaaneen sida ay u ilaalinayaan inaanay marnaba muddo-dhaafin shirarka xisbigu.

Guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe, ahna ku-simaha guddoomiyaha, xildhibaan Jaamac Warfaa oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa si kooban u sharraxay guulihii uu gaadhay xisbiga KULMIYE iyo  sida ay xisbi ahaan u ilaaliyaan inay shirarka xisbiga ee kala duwani ku qabsoomaan xilliyadooda.

Xuseen Idiris Guuleed oo kamid ah golaha fulinta ee xisbiga talada dalka Jabuuti haya ee RPP oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xisbiga KULMIYE mudan yahay in duruus  dhina a Dimuqraaddiyadda ah laga barto, isla markaana furfurnaanta iyo isu tanaasulka ka muuqdaa yahay wax ku cusub qaaradda Afrika.

Murrashaxii jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga UCID, Mudane Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo kamid ahaa marti-sharaftii shirka lagu casuumay, ayaa dhinaciisa hoggaanka xisbiga KULMIYE ku bogaadiyey sida ay isugu xidhan yihiin xisbiga iyo xukuumaddu, taas oo uu ku tilmaamay inay fure u tahay  horumarka xukuumadda.

 Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo kamid ah madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus ee gobolka Awdal, ayaa si isku mid ah u hambalyeeyey guulaha taariikhiga ah ee ay dalka gaadhsiiyeen xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE kasoo baxay, waxana ay sheegeen inay madax-dhaqameed ahaan diyaar u yihiin la shaqaynta xukuumadda iyo xisbigaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi  oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey madasha shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa  ugu horrayn si ballaadhan ugu mahadnaqay shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay usoo dhaweeyeen ergooyinka kala duwan iyo marti-sharafta kala duwan ee gobolka ku sugan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isaga oo sheegay inuu yahay mid lagula xisaabtamayo xukuumadda uu majaraha u hayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Halkan waxa uu maanta golaha dhexe u fadhiyaa inuu la xisaabtamo xilkii ay u dhiibeen ee ay ummadda u ballan qaadeen ee ay ku olaleeyeen ee aynnu buugga ku qornay ayaa lagu xukuumadda lagu xisaabin doonaa wixii ka qabsoomay iyo waxa ka dhiman, waxa kale oo golaha dhexe halkan kasoo jeedin doonaa wixii tusaale ah iyo wixii dhaliil ah sidii loo toosin lahaa iyo mustaqbalka sidii loosii wanaajin lahaa hawsha aynnu qabanno.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa wax badan ka qabatay ballamihii uu xisbiga KULMIYE bulshada la galay, waqtiyadii uu ololaha ku jirey, inta dhimanna ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin sidii inta dhimanna loo dhammayn lahaa,“Xukuumad ahaan annaga oo ka duulayna tiirarkii ku jirey ballan-qaadyadii xisbiga KULMIYE,  waxannu qorshaynay 43-mashruuc oo wax lagaga qabanayo toddobadii tiir ee uu xisbiga KULMIYE ballan qaaday, waxana aannu mudnaanta koowaad siinnay, tiirarka ay kamid yihiin  Nabadgelyada iyo amniga, dhaqaalaha, waxannu xoogga saarnay midda ah kaabayaasha iyo horumarinta nolosha dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada, sidii dhallinyarada shaqo loogu heli iyo sidii dalka meelaha biyuhu ku yar yihiin sidii biyo loogu heli lahaa, qaar kalena wax baannu ka taataabannay, waxana aannu u kala qaadannay  sida ay u kala mudan yihiin,” ayuu yidhi madaxweyne madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.