Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii Uu Hoggaaminayey oo si Ballaadhan Loogu soo dhaweeyey Airport-ka Dalka Jabuuti

Jabbuuti – (WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay dalka Jabbuuti, ayaa waxa madaarka diyaaradaha ee dalka Jabbuuti ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye iyo Wasiirka Warfaafinta Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon.

Sidoo kale soo dhawaynta madaxweynaha waxa qayb ka ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, Waxaana madaxweynuhu iyo weftigiisu qaddar nasasho ah oo ay ku qaateen qolka martida ee Airportka, Intaasi kaddib waxaa loo gelbiyey dhinaca hotelka Kempinski oo weftiga madaxweynuhu ku degay.