Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo Lagu Soo Dhaweeyey Dalka Itoobiya

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen raโ€™iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.