Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu Hogaaminaayo oo u Safray Jabuuti

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa safar ugu kicitimay dalka Jabuuti ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geele.

Safarkan waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Guddoomiyaha ahna murashaxa  Xisbul xaakimka KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno golaha wasiiradda Somaliland ka tirsan oo ay mid yihin Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha, iyo Dalxiiska Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), Marwada koowaad ee madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed iyo saraakiil kale o xukuumadda ka tirsan.

madaxweyne_silaanyo

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminaayey ayaa dalkaasi Jabuuti kaga qayb-gali doono xafladda caleemo saarka madaxweyne Geel oo markii afaraad dib loogu doortay madaxweynaha dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xafladda Caleemo saarka madaxweyne Geele ayaa ka dhici doonta caasimadda dalkaasi Jabuuti maalinimadda Axadda 8 April 2016.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.