Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wasiirka Madaxtooyada Imaaraadka Carabta Oo Kulan Kuwada Qaatay Qasriga Madaxtooyada Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Dubai – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayay ee marti-qaadka rasmiga ku jooga Isu-tagga imaaraadka carabta ayaa kulan la qaatey wasiirka madaxtooyada ahna ra’isal wasaare ku xigeenka  imaaraadka carabta  Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al-Nahyan.

Kulankaasi uu wasiirku ku qaabiley weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada isu-tagga imaraadka carabta  ayaa ahaa mid wasiirku weftiga ku qaabiley una muujiyay meeqaamka diblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka  Carabta ka dhexeeya.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xidhiidhka walaaltinimo, ganacsi iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah kana dhexeeya labada dhinaca, waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaaday arrimo muhiima oo dan u ah labada dhinac, isagoo kulankani ahaa mid dhidibada loogu sii adkaynayey wada xaajoodka arrimaha dhaqan dhaqaale,  isku tiirsanaanta,  iskaashiga  horumarinta labada shacbi ee ku kala dhaqan Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidii loo sii kobcin lahaa taariikhda ma guurtada ah ee labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo kulanka ka dib ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka Madaxtooyada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta kulmay si wanaagsana wuu ugu dhacay kulankaasi ay yeesheen waxaana ay ka wada hadleen danaha labada dal dhinac walba, waana aanu isku afgaranay, si wanaagsana waa na loogu soo dhaweeyey intii aanu halkan joognay oo milgo iyo sharaf leh”.

Ugu dambayn weftiga madaxweynaha Somaliland hoggaaminayaa waxa ay halkaasi ka sii wadi doonaan kulamada ay la qaadanayaan madaxda kala duwan ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta inta ay ku gudo jiraan safarkooda shaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.