Madaxweynaha Jabuuti oo Soo Magacaabay Xukumadda Cusub

Jabuuti – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaacil Cumar Geel ayaa soo magacaabay maanta  xukuumadda cusub oo taladda dalka Jabuuti waddi doonta shanta sano ee soo socda. Dawladda oo Ra’iisal wasaare ka yahay isla Ra’iisal wasaarihii xukuumaddii dhawaan wakhtigeedu dhamaaday.

president_geele

Sida ay baahiyey Telefishanka Qaranka Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geel waxaa uu soo magacaabay dawladda cusub oo ka kooban 23 Wasiir oo  12 ka mid ah cusub yihiin.  Waxaan xukumadda isla hogaamiye ka ah Ra’iisal Wasaare Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed ayaa ka jeediyey Wasiiradda iyo xilalka loo magacaabay:

Wasiiradda la magacaabay ayaa kala ah:

  1. Cabdiqaadir Kaamil Maxamed Ra’iisal Wasaare
  2. Muumin Axmed – Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka
  3. Cali Gulleed Abuubaker – Wasiirka Madaxtooyadda iyo maal-galinta
  4. Maxamud Ali Yuusuf – Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
  5. Ilyaas Muuse Dawaleh – Wasiirka Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Warshadaha
  6. Hassan Cumar Maxamed Burhaan – Wasiirka Arimaha Gudaha
  7. Bodeh Axmmed Rooble – Wasiirka Maaliyadda
  8. Cali Xasan Bahdoon – Wasiirka Gaashaandhiga iyo xidhiidhka Golaha Baarlamanka.
  9. Maxamed Cabdiqaadi Muuse – Wasiirka Gaadiidka iyo Guryeynta
  10. Jaamac Cilmi – Wasiirka Caafimaadka
  11. Mustafe Maxamed Maxamud – Wasiirka Waxbarashadda Qaranka iyo Dusgiyadda Farsamadda
  12. Nabiil Maxamed Axmed – Wasiirka Cilmi baadhista iyo Tacliinta Sare
  13. Cabdi Yuusuf Suguleh – Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta
  14. Maxamed Axmed Cawaale – Wasiirka Beeraha, Biyaha, Kaluumaysiga, Xoolaha Nool iyo Macdanta
  15. Muumin Xasan Barreh – Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Dhaqanka
  16. Yasin Xuseen Buux – Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah
  17. Xasan Idiris Sabriye – Wasiirka Shaqadda iyo Dib u habaynta maamulka
  18. Muumina Xumed Xasan – Wasiirka Arimaha Haweenka iyo Qoyska
  19. Amina Abdi Adan – Wasiirka Dib-u-dajinta, Guryeynta iyo deegaanka
  20. Xasan Xaamud Ibrahim –  Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga
  21. Xamaduu Maxamed Carmiye –  Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha
  22. Muuna Cismaan Adan – Xoghayaha dawladda ee Arimaha Bulshadda
  23. Xasan Maxamed Kaamil – Xoghayaha Dawladda ee Dhalinyaradda iyo ciyaaraha

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.