Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Taageeray Kootadda haweenka ee Goleyaasha Qaranka

Muqdisho – (warsoor) โ€“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Federaalka iyo haween ka tirsan ururrada bulshada.

madaxweynaha_soomaaliya

Kulankan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu goโ€™aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.

haweenka

 

Xigasho: SONA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.