Madaxweynaha Hirshabeelle guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle

JOWHAR – (WARSOOR) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka golaha wasiiradda dowlad goboleedka Hirshabeelle oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2021-ka ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa shirka golaha wasiiradda ee maanta warbixo kala duwan uga dhageystay wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta, wasiirka Waasarada Kaluumeysiga, wasiirka Xanaanada Xoolaha, wasiirka  Badroolka, wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada, Wasaarada Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka iyo wasiirka Wasaarada Dastuurka.

Dhan kale golaha wasiiradda Hirshabeelle, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyada 2021 ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo toddobaadkii hore wasaaradda maaliyadda u soo gudbisay golaha wasiiradda.