Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo U Dhoofay Jabuuti

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay magaalo madaxda Soomaaliye ee Muqdisho ayaa gaadhay magaalo madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti.

madaxweynayaasha_jabuuti_somaliya

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ka dibna waxaa loo gelbiyay qasriga madaxtooyada ee dalkaasi.

Ujeedda booqashadda madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah sidii uu uga  qeybgalilahaayeen munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuut Md.  Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad ku guuleeystay doorshadii madaxtinimada ee bishii March ka dhacday goboladda iyo degmooyinka jamhuuriyadda Jabuuti.

Booqashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qayb ka ah kulan ay isugu iman doonaan madaxweynayaash geeska Afrika oo lagu soo casuumay xafladda dhaarinta madaxweynaha ee Jabuuti.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.