Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo U Ambabaxay Itoobiya

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho isagoo u sii jeedo magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha waxaa garoonka ku sii sagootiyey xubno ka mid ah Golayaasha Qaranka Soomaaliya, waxaanu madaxweynaha wehelinaayey xubno ka mid ah Golaha wasiiradda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa magaaladda Addis Ababa kaga qayb-gali doona shir madaxeedka dawladd Goboleedka IGAD oo la filaayo in magaaladda Addis Ababa uu si rasmi ah uga furmo maanta Sabtida. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filaayaa inuu ka jeedin doono qudbad uu ku falan-qayn doono xaaladda Amaanka iyo dib u dhiska Soomaaliya ay hadda marayso.

madaxweynaha_Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.