Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Booqday Eratariya

Asmara – (warsoor) – Madaxweynaha dowladda federaalka  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada madaxda Asmara ee Eratariya.

Madaxweyne farmaajyo ayaa la fiyalyaan inuu kulan saddex-geesood ah la qaatp Madaxweynaha Ereteriya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kulankan oo daba socda kulamo hore ay saddexdan hogaamiye ugu yeesheen magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara.

Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.