Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo Kulan la qaatay Giddiga Abaaraha Puntland

Garoowe – (warsoor) – Madaxweynaha M/goboleedka Puntland Dr. CabdiweIi Maxamed Cali Gaas ayaa manta  kulan la qaatay qaar ka mid ah  guddiga abaaraha ee goloyaasha Puntland.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay giddiga abaaraha ayaa waxaa ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi.

Md Gaas ayaa kala hadlay guddiga sida abaarta baahsan ee ka jirta Puntland wax looga qaban lahaa iyo sidii Maamulka Puntland uga qayb qaadan lahayd gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen abaarahu.

p

Madaxwayne Gaas oo kulanka si xeel dheer uga hadalay ayaa ugu horayn ka warbixiyay abaarta baahsan ee ka jirta Puntland, isla mar ahaantaana intaasi ku daray in ka Dawlad ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb galayaan gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kale sheegay in loo baahan yahay qorshe sidii looga hawl geli lahaa xaalada abaaraha ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay hore ugu gudbiyeen baaq beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dad ka ay abaartu saamaysay.

Ugu danbayntii  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacbiga Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha uguna bedelo raxmaddiisa iyo naxariistiisa.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.