Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Somaliya

Jabuuti – (warsoor) – Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga Madaxtooyada ee dalkaasi ku qaabilay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dowladda Faderaalka ee Somaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo maalmahii ugu dambeeyey dalkaasi Jabuuti kaga qeyb-galayey shirka laga ga hadlaayey Isbeddelka ka curtay Geeska Afrika.

Kulankan dhex-maray Madaxweyne Geelle iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya Mudane Mahdi-Khadar, ayaa waxa sida oo kale ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka kala socdey labada dowladdood, waxaana ay kaga wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dhinac iyo weli ba halka uu maraayo geedi socodkii Nabadda ee dalka Somaliya.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti uu uga xaal waramay in Somaliyada cusubi ay ku guuleysatay siddii shacabka Soomaaliyeed looggu horseedi lahaa Nabad iyo Nolol isla mar ahaantaana ay ka xukuumad ahaan ka dhabbeeyeen qorshaha qaran ee Somaliya ay ku dooneyso in ay mar kale dib ugu soo ceshato sumcaddii ay ku lahayd caalamka. Waxaana uu Madaxweyne Geelle uga mahad-celiyey dedaaladdii kala duwanaa ee uu ku lahaa Somaliya gaar ahaan shirkii Carta iyo weli ba sida oo kale in dowladda Jabuuti ay wakhtiyo badan garab iyo walaal ba u soo ahayd dalka Somaliya.

Madaxweyne Geelle, ayaa isagu na hadalo mahad-naq iyo soo dhaweyn ah u jeediyey Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya, waxaana uu sheegay in dowladda Jabuuti ay diyaar u tahay in la helo Somaliya isku tashata oo ay ka suurto-gasho Nabad iyo wada-noolaashiyo, isaga oo aad u ammaanay dedaalada ay ka wadaan dhinaca amniga ee dalka oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo yididiilo gelinaya Caalamka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.