Madaxwayne Xasan Sheekh “Gobolka Banaadir horumarka dalka ayuu tusaale u yahay”

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa aqalka dowladda hoose ee Muqdisho uga qeyb-galay, munaasabad lagu xusayey sannad-guurada koowaad ee dib u howlgalidda xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar wayn, tusaalaha koobaadna uu u yahay gobolka Banaadir  oo ah caasimadda dalka, maamulka waxaan ku ammaanayaa dedaalka, wada-shaqeyn iyo isku tashiga uu gaaray maamulka isaga oo kaashanaya shacabkiisa.

xasaneey-640x427

“waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed guud ahaan in ay eegaan horumarrada dalka uu gaaray mudada yar ee ay fursadda siiyeen dowladdooda, waxaan hubaa in sanadaha soo socda aan hiigsan doonno tallaabooyin ka waaweyn oo ka horumarsan kuwa hadda aan heysanno, arrinta dhismaha waddooyinka ee mashruuca dalkaaga Hal Dollar ku dhiso, guul ayaa laga gaaray welina waan ku dhiiragelinayaa, xitaa dadka Soomaaliyeed ee deggan gobollada dalka in ay iyaguna ku biiraan howshaasi dib u dhiska dalka looga qeyb-qaadanayo” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu  sheegay in marnaba aysan dhici doonin in xuquuqda gobolkaan la waayo, cid fikraddaasi aaminsanna aysan jirin, madasha wadatashiga Qaranna ay go’aannadoodii ku jireen in awood qeyb-siga uu ahaado mid waddo cadaallad ah loo maray.

Madaxweynaya ayaa ka codsaday  dadka gobolka Banaadir ku nool mar kale in ay sii laba-laabbaan taageeridda hey’adaha amniga,  muddooyinkaan dambe, waxaa aad u soo hagaagay wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga, taasina waa midda aan mar walba uga adkaan karno kooxahan shar-wadayaasha ah ee noo diiddan horumarkaan ayuu raaciyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii November ee sannadkii hore guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho u magcaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Munaasabadda, waxaa joogey guddoomiyaha gobolka ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen  Jimcaale, ku xigeennadiisa, wasiirro, xildhibaanno, Ganacsato, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga, howl-wadeennada gobolka Banaadir iyo dadweyne lagu casuumaday munaasabaddaasi.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.