Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu abaal Marinayay Arday Ku Tartantay Xiftiga Qur’aanka Kariimka Ah

Hargaysa – (warsoor) – Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay galabta ka qayb galay munaasibad lagu soo gabo-gabaynayay tartanka qur’aanka kariim ka ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Al-Xayaat Al- islaamiya.

Culimadda hagaysay barnaamijkan tartanka qur’aanka kariimka ah ayaa madaxwayne ku-xigeenka, madaxwayanaha qaranka iyo guud ahaan xukuumada Somaliland ku bogaadiyay doorka culus ee ay ka qaataan kor u qaadida diinta suuban ee islaamka.

Madaxwayne-kuxigeenka Somaliland oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay cidkasta oo qayb ka qaadatay tartansiinta da’yarta qur’aanka kariimka ah baratay isagoo madaxwayne ku-xigeenku sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ay taageerayso kor uqaadida kalaamka rabbi sumxaana watacaala “Aad baan idiinku hambalyaynayaa da’yarta qura’aanka xafiday qolada guulaysatay hablo iyo inamaba waxaan leeyhay hambalyo kuwa aan imika kusoo bixin natiijooyinkana insha Allaah sanadka danbe ayay kusoo bixi doonaan markaa hambalyo dhamaantiin”ayuu yidhi Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland.

Gabo-gabadiina waxa uu madaxwayne ku-xigeenku shahaadooyin iyo abaalmarino qaali ah uu guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankan qur’aanka kariimka ah iyo warbaahintii sida taaska ah u tebinaysay tartanku intii uu socday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.