Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Gudida Wasiirada Ee Maamul Daadejinta Oo Yeeshay Kulan Koodii Sadex Biloodka ahaa

Hargeysa – (warsoor) – Madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Mudane  Mudane. Abdirahman Abdilahi Ismail (Saylici ) iyo Gudida Wasiirada ee hirgalinta Siyaasada Maamul daadejinta ee loo soo gaabiyo (Inter-Ministerial Committee) ayaa yeeshay kulankoodii sadex bilood laha ahaa ee uu shir gudoominayo madaxwayne kuxigeenka.

shirka_maamul_daadajinta

Ujeedada shirkan oo daarnayd is waraysi iyo xog kala qaadasho ku saabsan halka ay marayso hirgalinta siyaasada maamul daadejinta oo sadexdii sano ee u danbaysay dalka laga hirgaliyay iyadoo dhamaan wasiirada, wasiiro kuxigeenad wasiiru dawlayaasha ka soo qayb galay shirkan ay war bixin ka bixiyeen halka ay hawluhu u marayaan wasaaradahooda.

Qodobadii shirka:

  1. Warbixinta siyaasasda maamul daadejinta iyo ilaa hadda wixii la hirgaliyay
  2. Dib u eegida shuruucda iyo xeerarka sectarada iyo wixii kasoo baxay
  3. Awood kordhinta iyo dhisida tayada waaax yahay arimaha bulshada ee dawladaha hoose
  4. Daadejinta maaliyada
  5. Warbixin ku saabsan qiimayta Zaylac ee dhawan la sameeyay

Kulanka ayaa wax aka soo qayb galay gudida wasiirada ee maamul daadejinta oo ka kooban 9 waraaradood oo, Xafiiska hormuudka (champion office) agaasimaha wasaarada arimaha Gudaha iyo agaasimaha ururka dawladaha hoose,

Kulan ka oo ku bilaabmay jawi degan oo warbixino lagu kala dhagaysanayay ayaa ugu horayn saraakiisha Xafiiska madax wayne ku xigeenka ay soo jeediyeen warbixino ay ka mid yihin:

  • Warbixinta siyaasasda maamul daadejinta iyo ilaa hadda wixii la hirgaliyay
  • Dib u eegida shuruucda iyo xeerarka sectarada iyo wixii kasoo baxay
  • Awood kordhinta iyo dhisida tayada waaax yahay arimaha bulshada ee dawladaha hoose

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha Gudaha Mudane Amb. Abdifatah Said ahmed iyo Madaxa isku xidhka mashuuca  JPLG  iyo masuul ka socda haayada UNCDF ayaa iyaguna warbixino ka bixiyay Daadejinta maaliyada  iyo Warbixin ku saabsan qiimayta Zaylac ee dhawan la sameeyay.

Intaa ka dib waxa dhamaan iyaguna halkaa warbixino jeediyay Gudida wasiirada iyada oo ugu horayn ay Wasiirada Deegaanka Marwo shukri haaji Ismacil baandare oo ka warbixsay wixii u qabsoomay sheegtayna inay wasaarada deeganku ku bilawday degmada Burco, waxay degmada Burco dhamaystiratay dhaman wixii tababaro ah eek u saab sanaa deegaanka waxaana loo sii daayay lacagihii ugu horeeyay ee ay ku bilabayeen shaqada.

Waxay sheegtay sidoo kale in ay gabilay qaadatay dhaman tabaradii ku saabsanaa hadana diyaar u yihiin in loo sii daayo wajiga lacagtii ugu horaysay, Degmada Berberana qiimayn ayaa lagu sameeyay iyadna way ku xigtaa oo qorshaha sanadkan ayay ka mid tahay.

Waxaa sidoo kale halka ka hadlay Wasiir ku xigeenka shaqada iyo Arimaha bulshada, Abdi Daahir Amuud,  wasaarada arimaha bulshada ayaa iyadna kala fulinaysa mashuur ku saabsan caawinta dadka aan waxba haysan waxa afka qalaad lagu yihdaa (social protection grant) wuxuuna sheegay in ay hore gacanta ugu hayeen mashruuc noocan oo kale ahm, waxayna wasaaradu diyaar u tahay inay la shaqayso mashruuca JPLG.

Waxana iyana halkaa warbixino ka jeediyay wasiirada kala ah Wasiir ku xigeenka cafimaadka, ku xigeenka hawlaha guud, wasiiru dawlaha biyaha, ku xigeenka waxbarashada iyo wasiiru dawlaha maaliyada.

Ugu danbayn tii waxaa shirkaa soo xidhay madaxwayne ku xigenka oo gudoominayay shirkaas isaga dhiiri galin iyo dardaaranba u jeediyay xunbihii kasoo qayb galay shirkaas si dhamaan wasaaradaha iyo cidii ay kushayso ay ka go’naato hirgalinta siyaasada maamul daadejinta, wixii qalad ee dhacana ay noo noqoto cashar lagu saxo mustaqbalka.

Waxa uu sidoo kale madax wayne ku xigeenku carababay in ay wasaaradahu kala fahmaan Mashruuca JPLG inuu yahay mashruuc laakin iyo Siyaasada Qaranka ee maamul daadajinta isagoo sheegay in siyaasadu ka turjumayso Dastuurka qaranka, golaha wasiiraduna ay ansixiyeen fulinteeduna ay waajib tahay.

Ugu danbayn wuxuu Madaxwayne ku xigeenku u mahad celiyay dhamaan ka soo qayb galayaasha shirkan iyo warbixinada ya bixiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.