Madaxwayne ku-xigeenka JSL Oo Lacag Ka Guddomay Ciidanka Asluubta Somaliland

Hargaysa – (warsoor) – Madaxwayne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ka guddomay qadar lacageed oo dhan  70,825 Milyan SLSH (Todobaatan milyan iyo sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun oo shilinka Somaliland ah) lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen dhamaan ciidanka Asluubta ee somaliland iyagoo ugu tallo galay inay kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen xubno sare oo ka socday guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa waxa halkaasi ka hadlay  Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun waxaanu yidhi  “Madaxweyne ku-xigeen  waxaan halkan kugu wareejinayaa qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH oo ay iska soo ururiyeen ciidanka Asluubta Somaliland, mushaharaadkoodana ka jareen si ay uga qayb qaataan u gurmashada walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen”.

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isna halkaasi kalmad mahadnaqa ka jeediyay ayaa yidhi “Aad baan ugu mahad celinayaa Ciidanka Asluubta Somaliland oo si naxariisi ku dheehan tahay isaga soo ururiyay lacagtan,marka loo eego dadkeenii abaaruhu saameeyeen waa wax weyn lacagtani, inagoo ogsoon lacagta ay qaataan ciidankeenu hadana waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko iyagoo gurmanaya”. ayuu yidhi Madaxwayne Ku-xigeenka JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.