Madaxwayne Farmaajo oo la dardaarmay Masuliyiinta G/Mudug

Cadaado – (warsoor) – Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha G/Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)  oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Markii aan rabnay inaan heshiisiino Galmudug iyo Ahlusuna, intii aanan bilaabin labada dhinac inaan heshiisiino ayaa Guddoomiyihii iyo Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamanka Galmudug dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin marka hore anaga hanala heshiiisiiyo, markaan heshiisiiinay ayaa wakhtiga nagu yaraaday, in aan u gudubno hadana dib u heshiisiinta Ahlu suna iyo Galmudug.
Marka Madaxda halkan fadhida ha iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ah, ayuu yiri madaxwayne Farmaajo “khilaafka waxaa keena waa dan shakhsiyadeed, waxaan rajeynaya inaan khilaaf ka dhicin Xaaf iyo Baarlamankiisa ka dibna aanu keeno Ahlusunna”.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Madaxwaynayaasha K/Galbeed shariif Xasan Sh. Aadan, Jubba-land Axmed Max’ed Islaam, Puntland, C/wali Gaas iyo Madaxwayne ku xigeenka Hishabeelle Cali C/laahi Xuseen (Guudlawe) waxayna halkaasi ka jeediyeen hadallo isugu jira soo dhawayn iyo dhiirri galin ay u jeedinayeen madaxwaynaha G/Mudug ee maanta la Caleema saaray iyo dhammaan Maamulkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.