MADAXWAYNE BIIXI IYO QAADASHADA LABADA GO’AAN EE AADKA U QADHAADH

Sii deynta Budhcad-badeeda Iyo Argagixisada !

Waxa qoray, Kaysar Maxamed
Asalaamu Calaykum

29kii bishii July ee sanadkii 2019 ayay ahayd markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray Amar uu ku cafiyay 19 qof oo budhcad badeed ah oo reer Soomaaliya ah, oo ay soo xukuntay maxkamad ku taala Dalka Seychelles, ka dibna loo soo wareejiyay Xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Maxaabiistaas oo aan shakhsiyan ku booqday Jeelka marar kala duwan, waxay u badnaayeen dhalinyaro, waxaanay ii sheegeen inay badankoodu kaluumaysato ay ahaayeen oo ay badahooda ka difaacanayeen doonyaha shisheeye ee xada khayraadka badaha soomaaliya, waxa kale oo ay ii sheegeen in badankoodu aanay wax rafcaan ah ka qaadan dembiyada lagu helay, maadaama ay aad u baqanayeen, xukunka ay Maxkamada Seychelles ku
riday budhcad badeedaas ayaa qaarkood gaadhsiisnaa 40 Sanadood.

Madaxweyne Muuse Biixi isaga oo fahamsanaa culayska ay lahayd sii deynta maxaabiis heshiis caalami ah lagula galay Dawlada Somaliland, oo xataa aanay u furnayn inay kiiskooda dib u eegaan Maxkamadaha Somaliland, ayuu hadana ku dhiirraday inuu xabsiga ka sii daayo 19 maxbuus oo ay magacyadoodu kala ahaayeen:

Maxamed Axmed Ciise
2) Cadow Cali Cismaan
3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi
4) Axmed Cali Cismaan
5) Axmed Cali Siciid
6) Maxamed Axmed Cali
7) Bashiir Khaliif Xaashi

  1. Cabdirisaaq Maxamed Cali
    9) Cabdifataax Axmed Xasan
    10) Nuur Maxamed Aadan
    11) Jamaal Maxamed Cali
    12) Cali Maxamed Cali
    13) Cabdillaahi Maxamed Xasan
    14) Cabdi Tahliil Xasan
    15) Daahir Cabdillaahi Warsame
    16) Cabdiqaadir Cabdi Cali
    17) Cabdinuur Xaaji Aadan
    18) Maxamed Maxamuud Xasan
    19) Abuukar Axmed Ciise

Xukuumada Somaliland inta ay si fiican u sii sooryeeysay ayay Maxaabiistaas u kiraysay diyaarad gaar ah oo u qaaday dadkoodii iyo deegaanadoodii.

Inkasta oo aanay go’aankaas jeclaysan Dawladahii Maxaabiista ku soo wareejiyay Somaliland, hadana waxa uu ahaa go’aan ay ku farxeen Ummada Soomaalida ah ee dunida dacaladeeda ku nool.

Maxaabiista falalka Argagixiso u xidhnaa !

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Cafis u fidiyay xubnaha hoos ku qoran oo xukun maxkmadeed uu ku dhacay oo sannado badan Xabsiga ku jiray iyaga oo dhamaystay mudadii xukunkooda, balse ahaa qaar Jeelka lagu hayay.

Maxaabiistaas muddo dhaafka ku xidhnaa ee Jeelka ku raagay oo ay qaarkood xidhnaayeen Labaatan Sanadood in ka badan, waxay kala yihiin;

1 Dauud Saalax iidle
2 jaamac Guutiye
3 Cabdiraxmaan indhacade
4 Cabdiraxman Diyo
5 Cabdilaahi Maxamuud Yuusuf.

Dembi ka culusi ma jiro in qof aadami ahi uu Jeel ku sii jiro isaga oo dhamaystay mudadii lagu xukumay, waxaanay ahayd in wakhti hore la sii daayo Maxaabiistaas, laakiin loo sameeyo istiraatajiyad lagula socdo oo laamaha ammaanku ay isha ku hayaan, si looga hor tago hadii ay mar kale isku dayaan inay fal dambiyeedyo ku kacaan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu qaatay go’aamo dhaxal gal ah oo geesinimo ah oo aan habrasho lahayn oo aan laga filayn in Madax Afrikaan ahi uu qaadan lahaa, marka la eego labadaa go’aan ee culayska weyn lahaa ee uu ku sii daayay Budhcad Badeeda iyo Argagixisada.

Jamhuuriyada Somaliland ma noqon karto Dal keligii dhabarka u rita oo Xambaara Culaysyada Budhcad-badeeda iyo Argagixisada, balse waxa ku waajib ah Dawladaha Caalamka gaar ahaan Wadamada EU, UK iyo USA inay gacan buuxda Iyo dhaqaale culus ay ku taageeraan Somaliland. Cidina xaq uguma laha inay Somaliland ka filato inay keligeed u babac dhigto oo ay gaashaan u noqoto dunida m, haddii aanay helin aqoonsi buuxa iyo taageero dhaqaale oo caalami ah.

Ugu danbayn aad ayaan ugu hambalyaynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland go’aamadaas culayska leh ee uu ka badheedhay.

Somaliland ha guulaysto