Madaxwaynaha Soomaaliya oo Magaalada Riyaadh kula kulmay Dhiggiisa Maraykanka

Riyaad – (warsoor)- Madaxweynaha J.F.Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan ku yeeshay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Arabiya.

Shirka labada Madaxwayne oo ahaa mid waqti kooban socday ayaa dhacay,kadib shir madaxeedkii Madaxda dalalka Islaamka iyo dowladda Maraykanka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed  oo waraysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyay kulanka dhex maray labada Madaxweyne.

Mudane Farmaajo  wuxuu ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga cirib tiri lahaa Soomaaliya.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ballan qaaday in si buuxda ay Dowladiisa Soomaaliya kaga taageerayso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka labada Madxwayne kadib,ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in uu kala hadlay Donald Trump kaalinta Mareykanka ka qaadan karo arrintan, iyo sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaalanka Shabaab.

Shirkan labada Madaxwayne ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.