Madaxtooyadda Soomaaliya oo Hadal Gaf ah ku Tilmaamtay Hadal Ka Soo Jeedhay Ra’iisal Wasaare Cumar

Muqdisho – (warsoor) – Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo uu ku sheegay in loo baahan yahay isbadal ku yimaada hogaanka sare ee dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya Shador Xaaji Maxamud ayaa ka hadlay kulan uu shalay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid la yeeshay xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya u matalaya maamul goboleedka Jubbaland oo uu kula kulmay Kismaanyo, kuwaasi oo uu u sheegay in loo baahan yahay in isbadal lagu sameeyo hogaanka dalka.

hassan_cumar-1

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliy ayaa sheegay in hadalkaasi uu kaf ku yahay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu hadalkaasi ku hadalo isagoo ka tirsan hogaanka dalka waxaanu yidhi Afhayeenku, “Ra’iisal wasaaraha waxaa wanaagsaneyd in uu ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu wali dalka ka hayoee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu  ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo”.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya oo ka hadlay waxqabadka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yidhi, “Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu mudan yahay in lagu aammaano difaacida dananaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diidmada faragelinta tooska ah ee shisheeyaha, Madaxweynu mar walba waa ka go’an tahay illaalinta xaduudaha dalka ee dhanka badda Iyo bariga”.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa labadooduba u tartamaya jagadda madaxweynaha Soomaaliya. Waana markii ugu horaysay ee laga maqlo ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo wali ka tirsan hogaanka sare ee dawladda federaalka inuu sheego in loo baahan yahay isbadal lagu sameeyo hogaanka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.