Madaxtooyada Somaliland Oo Munaasibad Sagootin Ah U Qabatay Masuuliyiin Xilal Cusub looga magacaabay

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ayaa munaasibad sagootin ah u qabatay Gudoomiyaha cusub ee Hay’adda shaqaalaha dawlada Sharmaake Axmed Muxumed (Sharmaake Geelle) iyo Agaasimaha cusub ee Guddida qandaraasyada qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadle (Jabarti)  oo hore ugu tirsanaa sharaakiisha wasaaradaasi.

DSC_0005

Munaasibada oo xalay ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa ahayd casho sharaf lagu maasuusay masuuliyiintaasi dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland xilalka u magacaabay.

Casho sharafeedaasi ayaa waxa ka qayb galay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, agaasimeyaasha waaxaha wasaaradaasi iyo hawl wadeeno ka tirsan Madaxtooyadda Somaliand.

Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi) oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Sharmaake waynu ku hambalyeynayaa xilka cusub ee loo magacaabay, Waanaynu u ducaynaynaa in ILAAHAY ku asturo xilkaasi, waxa kale oo aanu hambalyo u dirayaa Maxamed Jabarte oo isna inaga maqan oo shaqaalaheena ka tirsanaa oo isna loo magacaabay Agaasimaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland.”

DSC_0003

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Saacid Cabdi Ciise, oo isagauna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Ujeedada kulankeenu waxay tahay sidii aynu ugu ducayn lahayn xilkaa culus ee loo igmaday labadaas nin ee dhalinyarada ah, ee Sharmaake iyo Jabarte, waxaan leeyahay annaga dhalinyaro ahaan dareen wayn ayey inoo leedahay, xilkaa culus ee heerka qaran ah, taasi waxay sababtay in aanu caawa idin maamuusno oo aanu idin karaamayno, idinkoo awalba naga mid ahaa, xilkaa aad qabataeen ALLE ha idinku asturo.”

 Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir ayaa isaguna halkaas ka hadlay waxaanu yidhi “ waxaan hambayo iyo duco u dirayaa Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Saaxiibkay sharmaake Geele, iyo Agaasimaha cusub ee guddida qandaraasyada qaranka Maxamed Jabarte, waxay ahaayeen saaxiibo inaga mida, shaqaalaha madaxtooyada waa dad walaalo ah, oo midaysan wali maan arag labad qof oo loo garqaadayo, faraj iyo wado wayn ayaa inoo furmay maanta waxa inoo bilaaban tahay inaynu dalacno, sanad kaliya ayaa laba shaqaalaheena ka mid ah ayuu madaxweynuhu magacaabay awal may dhici jirin.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Dawlada Sharmaake Geelle oo ka mahad celiyey casho sharafeeda lagu maamuusay waxanu yidhi “ qofku markuu soo shaqo tago deegaanka uu u soo shaqo tago ayaa keena inuu dhiiranaado ama uu niyad jabo, maalintii u horaysay ee madaxtooyada soo galay iyo maanta oo aan idinka tagayo aroortii markaan soo shaqo tago ilaa duhurkii WALAAHI ma garanayo maalin aan anigoo murugaysan idinka tagay, farxadaas caawa aad igu sagootinaysaa waa ii qiimo. Caawa waxaan qirayaa in intiina halkaas ila joogtaa inay igu culus tahay inaan idinka baxo, shaqo ahaan kala fogaan mayno.’”

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees oo isaguna munaasibadaasi soo gabagabaayey ayaa yidhi “Caawa waxaynu halkan isugu nimid inaynu hambalyeyno Sharmaake oo ka mid shaqaalaheena oo tallaabo hore u qaaday, waa arrintii aynu xisbi ahaan iyo dawlad ahaan doonaynay in dhalinyaradu ay kobacdo oo ay hore u socoto. Ku dhayasho ayuu mudan yahay, raggu marku meel yimaado wuxuu ku kala horumaraa dabciga dadaalka iyo shaqo wanaaga, iyo Umadda oo aad la saaxiibto oo dadku aabo iyo hooyo kuu wada noqdo, maaha inaad noqoto qof dabeecad xun oo marka lala hadlo duda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.