Madaxda Hay’adaha Sirdoonka XFS oo booqday Xarunta Taliska Sirdoonka Ethiopia

Itoobiya – (warsoor) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Mudane Temesgen Tiruneh Dinku oo ay wehliyaan saraakiil Sar sare oo ka tirsan labada hay’adood ayaa maanta kormeeray xarunta Taliska Sirdoonka Ethiopia iyo Jaamacadda daraasaadka sirdoonka iyo arrimaha amniga ee hoostaga NISS.

Mahad Salaad Agaasimaha NISA iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lala wadaagay sida ay u shaqeeyaan xafiisyada kala duwan ee Hay’adda Sirdoonka Ethiopia.