Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo maanta kulmay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweyniyaasha shanta dowlad goboleedyada iyo wakiilo ka tirsan beesha caalamka ayaa maanta ka wada hadlay xal u helidda caqabadaha ka jira doorashooyinka iyo muhiimadda ay leedahay is faham laga gaaro qabsoomidda doorasho la wada ogol yahay oo si nabad ah ku dhacda.

Kulanka oo qeyb ka ah dadaaladda xal u raadinta is maandhaafka siyaasadeed ee doorashada la xiriira ayaa waxaa ka qeygalay; madaxweyniyaasha Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeele, Galmudug iyo Jubaland.

Halka dhanka beesha caalamka ay joogeen, danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, u qeybsanaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo masโ€™uuliyiin kale.