Madaxa hay’adda qaxootiga UNHCR oo booqasho ku yimid Somaliya

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxa hay’adda Qaramada Midobay u qaabilsan arrimaha Qoxotiga(UNHCR), Filippo Grandi ayaa maanta oo axad ah kasoo degtay gegida diyaaradaha Muqdisho.

Wasiiro dawladaha Wasaarada Arrimaha Dibbadda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr oo soo dhaweeyey Mr. Grandi ayaa sheegay in mas’uulkan uu joogaya Muqdisho muddo laba beri ah, lana kulmaya Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha dalka.

”Waa booqasho muhiim ah, UNHCR waxay caawinaysaa qaxootiga dalka dib uga soo laabtay, kuwa gudaha ku barakacay, Madaxa hay’adda waxa uu sidoo kale booqanayaa magaalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubbaland”, sidaa waxa yiri Axmed Kheyr.

Madaxa hay’adda UNHCR, Mr. Grandi ayaa isna xusay in ay ka shaqaynayaan hurumarinta iyo caawinta qaxootiga Soomaliyeed.

”Aad baan uga farax sanahay inaan markii labaad soo booqdo Soomaaliya, waxa aan caawinaynaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ka yimid banaanka, kuwa gudaha ku barakacay, waxaan sidoo kale kor qaadaynaa aqoontooda shaqo(Capacity Building)”, Mr. Grandi ayaa sidaa yidhi.

Kullanka soo dhaweynta waxaa goob ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee QM, Ambassador Micheal Keating iyo Safiirka Soomaaliya Geneve, Fadumo C/lahi Insaniya,

By Maxamed Cismaan ” Black”

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.