Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Reer DILA oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Murrashaxiinta KULMIYE

Dila – (warsoor) – Madaxdhaqameedka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta degmada Dila ee Gobolka Awdal, ayaa hadhimo-sharadeed ku maamuusay murrashaxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maalmahan hawlo shaqo ku joogay gobolkaasi.

Munaasibadda hadhimo-sharafeedka oo ka dhacday duleedka Bari ee magaalada Dila maanta, ayaa waxa murrashaxiinta KULMIYE ku wehelinayey wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, kuwaas oo kala qaybqaatay casuumadda lagu sharfay murrashaxiinta KULMIYE.

Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxay hadhimada ka hor shir waqti dheer qaatay la yeesheen waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta iyo siyaasiyiinta deegaanka Dila, waxaana halkaas si qoto dheer loogu faaqiday sidii ay shacabka reer Dila u taageeri lahaayeen murrashaxiinta KULMIYE ugu sharraxan Madaxweynaha iyo Madaxweye-ku-xigeenkiisa.

Dhankooda Cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo haldoorka degmada Dila ee shirka ka qaybgalay ayaa muujiyey sida ay u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaanay shaaca ka qaadeen inay codkooda iyo cududoodaba u huri doonaan sidii uu KULMIYE guul uga soo hoyn lahaa doorashooyinka soo socda.

Murrashaxiinta KULMIYE, ayaa iyaguna warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha qorshayaasha xisbiga ee hawlaha doorashada iyo nidaamka maamul ee ay doonayaan inay hirgeliyaan la wadaagay waxgaradka iyo madax-dhaqameedka reer Dila, iyagoo sidoo kalena si hufan u dhegaystay tabashooyinka ay shacabka degmadu qabaan iyo baahiyaha gaarka ah ee ay doonayaan in wax lagala qabto oo ay murrashaxiintu u ballanqaadeen inay si degdeg ah wax uga qaban doonaan haddii ay doorashada soo socota ku guulaystaan.

Kulanka ay waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta degmada Dila la yeesheen murrashaxiinta KULMIYE, ayaa guul ku soo dhammaaday, waxaana lagu ballamay in la garab galo dadaalka xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu mar labaad talada dalka ku guulaysto.

Geesta kale, Xisbiga KULMIYE waxa uu xafiisyo cusub ka furtay degmada Dila ee gobolka Awdal, kuwaas oo saldhig u noqon doona ololaha xisbigu geli doono doorashooyinka madaxtinimada ee dalka ku soo foolka leh, isla markaana ay kirayntooda iyo qalabayntoodaba ay iskood u dhammaystireen taageerayaasha xisbiga ee degmadu.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Md. Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo ay weheliyaan maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan degmada Dilla, ayaa isagu si rasmi ah xadhigga uga jaray saddex xafiis oo ay garabyada dhallinyarada iyo haweenku ka hawlgeli doonaan iyo mid kale oo guud ahaan arrimaha xisbiga ee degmada laga hagi doono.

Geesta kale, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxa uu isla goobta xadhigga lagaga jaray xafiisyada cusub uu agab ciyaareed ku guddoonsiiyey qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ee degmada Dila, taas oo qayb ka ah dhiirrigelinta xisbiga KULMIYE ee daโ€™yarta dalka, iyada oo qaar kamid ah dhallinyaradii agabka la guddoonsiiyeyna si weyn uga mahadceliyeen dhiirrigelinta xisbiga KULMIYE la garab joogo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.