Madaarka Berbera Oo Shirkada Air Djibouti Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Iyo Munaasibad Soo Dhaweyn Ah Oo Loo Qabtay

Berbera – (warsoor) – Diyaaradda Air Djibouti ayaa bishan gudaheeda ka bilaabaysa duulimaadyo Madaarka Caalamiga ah ee Berbera, waxaana munaasibad daah fur u ah lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Berbera.

Munaasibadan lagu shaacinayey duulimaadyada shirkada Air Djibouti ka bilaabayso madaarka Berbera ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin gobolka Saaxil iyo masuuliyiin kale.

Maamulaha madaarka Berbera iyo masuuliyiinta diyaaradda Air Djibouti oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha ay soo kordhi doonaan duulimaadyada ay bilaabayaan iyo xog ku sabsan nidaamkoodu duulimaadeed.

s1780001

Maamulaha Madaarka Berbera Abdiqani Ali Ismail   oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey shirkadda Air Djibouti, waxaanu yidhi “Waxaan baaq u dirayaa gobolada bariga, gaar ahaan dadka reer Saaxil, waxaanan ugu baaqayaa inay isticmaalaan madaarka Berbera, kana duulaan kana soo degaan”

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyey hawlaha duulimaad ee ay shirkada Air Djibouti ka bilaabayso madaarka Berbera, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Aadbaanu u soo dhaweynaynaa duulimaadyada shirkadda Air Djibouti dalka ka bilaabayso”.

Mayo Volkoni, Maareeyaha Guud ee Shirkada Air Djibouti  oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay nidaamka ay diyaaradoodu duulimaadyada uga bilaabayso dalka, gaar ahaan magaalada Berbera, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ugu badnaan afar todobaad ka dib waanu bilaabi doonaa duulimaadyada, qorshahayaguna waxa weeyaan inaanu u kala duulno, Berbera, Djibouti iyo Ingiriiska”.

Mid ka mida ah masuuliyiinta gudaha ee shirkadda Air Djibouti oo isna munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu warbixin ka bixiyey duulimaadyada ay bilaabayso shirkadu, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Diyaaradda Air Djibouti mar labaad waxa ay bilaabi doontaa duulimaadyadeeda, waxaanay ka bilaabi doontaa guud ahaan Somaliland, si gaar ah waxa ay uga bilaabi doontaa garoonka Berbera, waxaanu ka rajaynaynaa bulsho weynta ku dhaqan gobolka Saaxil iyo gobolada ku dhaw inay ku duulaan diyaarada Air Djibouti”.

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera, Guddoomiye ku xigeenka Dekedda Berbera, Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda soo dhaweeyey hawsha duulimaad ee shirkadda Air Djibouti dib uga bilaabayso Madaarka Berbera.

Shirkada Duulimaadyada ee Air Djibouti ayaa horaanta bishan duulimaadyo ka bilaabaysa Madaarada Hargeysa iyo Berbera, iyada oo munaasibad tan oo kale ah hore loogu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, taasi oo lagu shaacinayey duulimaadyada ay dalka ka bilaabayso shirkada Air Djibouti, gaar ahaan Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

s1780055

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.