Mac’hadka tababarka Shaqaalaha Dawladda oo lagu soo kordhiyey kuliyaddo cusub oo heer jaamaacaddeed ah

Hargeysa – (WARSOOR)-Agaasimaha fulinta Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Somaliland Cumar Iid Qaloombi oo maanta Warbaahinta Qaranka ugu waramay xafiiskiisa, ayaa faahfaahin ka bixiyey Arday u fadhiistay Imtixaanka Jaamacadda Mac’hadkaasi,kulliyado cusub oo ay soo kordhiyeen sanadkan iyo qorshe mustaqbalka lagu balaadhinayo dhismaha Machadka.

Cumar Iid Qaloombi Agaasimaha fulinta ee Machadka CSI, waxa uu sheegay in sanadkan culuumta Jaamacaddu bixinayso lagu soo kordhiyey laba qaybood oo muhiim u ah fulinta siyaasaddaha maamulka shaqaalaha Dawladda iyo layliga diblomaasiyadda iyo siyaasadda.

Agaasimaha Mac’hadka Tababarka shaqaalaha Dawladdu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey kuliyaddaha kala duwan ee ay gelayaan Ardayda cusub ee  sanadkan jaamacadda waxbarashadeeda bilaabaya, Ardaydaasoo maanta u fadhiistay imtixaankii lagu kala saarayo.“waxay Ardaydu kala geli doonaan kuliyaddaha maamulka Dawliga ah oo ah qaybaha ugu balaadhan ee aanu bixino si baahiyaha adeegga dawladda looga jawaabo iyo maamulka Xisaabaadka iyo lacagta.

Doorkan waxaanu soo kordhinay kuliyadda maareynta khayraadka shaqaalaha (Human resource Management) annagoo ka jawaabayna baahiyaha loo qabo in la hirgeliyo siyaasadaha maamulka shaqaalaha Dawladda ee ay Hay’adda shaqaalaha dawladdu ku mashquulsanayd sanadihii dambe.sidoo kale waxaanu sanadkan soo kordhinay qaybta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah annagoo ka duulayna inay Somaliland diyaarsato kaadirkeeda adeegyada diblomaasiyadda (diplomatic service) ka qaybgeli lahaa ee umadda meeqaamkeeda siyaasiga ah ugu adeeggi lahaa”ayuu yidhi.

Agaasime Cumar waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey qaybaha ay ka kooban yihiin Ardayda shalay imtixaanka u fadhiistay iyo habka lagu kala saarayo; “Mac’hadka tababarka Shaqaalaha oo lagu yaqaano waxbarasho tayo leh sanadkan waxa soo dalbaday Arday ka badan intii aanu filaynay, waliba markii ay ardaydu soo bateen waxaanu ku qasbanaanay in aanu xidhno soo gelitaanka, si aanu haddaba uga jawaabno ardayda faraha badan ee soo dalbaday oo ka kooban Shaqaalaha Dawladda ee rayidka ah, Shaqaalaha Hay’addaha madaxbanaan iyo dad kale oo aan shaqaale ahaynba, saaka waxaanu ku kala saaraynaa Imtixaan, kaasoo uu qaadayo machadka Shaqaalaha Dawladdu inta mudataana ay fursad u heli doonaan.Markaa Ardayda waxaan leeyahay kalsooni fiican ku qaba in si hufan oo cadaalad ah laydiin kala saari doono”

Cumar Iid Qaloombi waxa uu sheegay in sababta Mac’hadku u koobay Ardayda uu qaadanayaa ay tahay caqabad dhinaca baaxada dhismaha ah, taasoo uu tilmaamay in mustaqbalka la balaadhin doono.

waxaanu yidhi “waanu jeclayn in aanu arday tiro badan qaadano, laakiinse hadda ma qaadan karno. sababta aannaan u qaadan karina waxa weeyaan baaxada dhismaha ayaa nagu cidhiidhi ah oo aan noo saamaxayn, laakiinse mustaqbalka Xukuumadda way u qorshaysan tahay in machadka tababarka shaqaalaha Dawladdu uu jaamacad weyn noqdo”