Maayarka Degmada Berbera Ayaa Agab Ciyaareed Ku Wareejiyay Wasaaradda Dhalinyarada Ee Degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama degmada Sheekh ee gobolka Saaxil Faysal Aadan Ismaaciil, waxa munaasibad kooban oo loo qaybta la wareegida agabkaas ciyaareed hadal ka jeediyay maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin waxaanuu sheegay in agabkaas loogu talo galay in ay kaalin ka qaataan dhiirigelinta ciyaaraha gobolka Saaxil, gaar ahaan kuwa degmada Sheekh.

Maayar cidin wuxuu dhalinyarada degmadaas u soo jeediyay in ay kor u qaadaan xirfadooda kubadda cagta, taas oo xoojinaysa kor u qaadka caafimaadkooda maskaxeed iyo ka jidheedba.

Ugu damabyn maayarka degmada Sheekh Ibraahin Cabdilaahi Cabsiiye iyo isuduwaha wasaaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Saaxil Shaafici Jaamac Aadan ayaa maayarka uga mahadceliyay agabkaas uu soo gaadhsiiyay bahda ciyaaraha ee degmada Sheekh, waxaanay xuseen in agabkaas ay gaadhsin doonaan kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan degmadaas.