Maayarka Berbera oo Ka Hadlay Sababta Loo Xidhxidhay Saxafiyiintii magaaladda

Berbera – (warsoor) – Maayarka magaaladda Berbera ayaa maanta daaha ka fayday sababta loo xidhxidhay saxaafadii madaxa-banaaneed ee ka hawl-galaysay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera kuwaasi oo uu xadhigooda amray maayarku.

Maayar Cabdishakuur Cidin ayaa sheegay in bulshadda oo fidno laga dhex abuuro ay ka daran tahay dilka la gaysto, maayarka ayaa yidhi, “Markaa anagu waxaan u aragnay saxaafadda ka hawlgasha degmadda Berbera ama gobolka Saaxilba inay qaybta khalkhal galinta, barobagaandada iyo kicinta dadweynaha inay ka shaqaynasyo”.

Maayar_Cidin

Maayarka Magaaladda Berbera ayaa sheegay in warbaahinta gobolka saaxil ay dhamaantood iskugu yeedheen kulanna ay la qaateen, waxaanay saxaafadda ku gobolka ku wargaliyeen inay kala shaqeeyaan amaanka dalka, waxaanu sheegay inay balan-qaadeen inay kala shaqaynayaan.

Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin ayaa sheegay in saxafiyiinta gobolka ay ku adkeeyeen in aanay baahin wararka qaranimadda iyo nabad-galyadda wax yeelaya xitaa hadday run yihiin, isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi, “Wararka wixii qaranimadeena, jiritaankeena iyo dadnimadeena iyo dawlanimadeena wax yeelayaba inaad ka ilaalisaan. Xitaa hadduu run yahay, xittaa hadduu jiro baanu ku nidhi”.

Hadalka maayar ayaa cadaynayaa in xidhitaankii saxafiyiinta la xidhxidhay lagu eedeeyen inay galeen wax qaranimadda wax yeelaya.

Maayarka magaaladda Berbera ayaa xabsiga dhigay laba saddex safi oo ka hawlgalaayey telefishanadda mdaxa banaan ee ka hawl-gala gobolka saaxil. Saxafiyiinta xidhan ee gobolka saaxil ayaa wali xabsiga ku jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.