MAANSO: SIRTA NOLOSHA

Haddaan soomaali nahay, nimcada uu Alle inagu galladay, waa mid wayn. Nimcadaas waxaa ka mid ah afkeenna hodankaa. Ummadaha kale waxay inoo yaqaanaan inaa nahay ummaddii “Gabayga”. Waxaana taasi u makhraati ah in aan leenahay suugaanyahanno waawayn oo waxna dhintay waxna hadda nool, kuwaas oo aan la tirakoobi karin. Waxaa faan iyo sharafba inoogu filan magacyada Abwaaniinteenna inta dhimatay iyo inta noolba ennagoon qabiil u eegaynin.

Sidaa darteed, maxaa inoo diidaya inaan midba maalin ka sheekayno oon suugaantiisa ku soo qaadanno boggan Dhugasho, Allaylehe waxba.

Haddaba toddobaadkan waxaan soo doorannay Abwaankeenna wayn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Mid ka mid ah johoradihiisii macaanka madnaa oon qayb ka soo mullaaxsannay.

F.G: Akhristayaal waxaan idiinkana idinka sugaynaa inaad inoo soo doortaan Abwaankii aan ku xijin lahayn ee kale. Waxaad soo qortaan Abwaankaad rabtaan magaciisa oo seddexan ama naanaystiisa. Annagana waxaan isku dayaynaa inaan soo bandhigno waxa aan ka hayno.

Gabdhayahow sidee waaye
Ilbaxnimadu saas maaha
Hadba suuf karkaro maaha
Sararaha bannee maaha
Qorqor sunniyahaa maaha
Dhabannada sibbaaq maaha
Sanka oo la mudo maaha
Sakhrad iyo xashiish maaha
Sawir iyo riyaaq maaha
Filin iyo sarcaad maaha
Saxan reer galbeed maaha
Kaba sookal dheer maaha
Suuriyo durduro maaha
Salsallaw cid kale maaha
Qof silloon ku daya maaha
Wax sawaaban noqo maaha
Sinta iyo lafaha duudka
Seddex goor jajabi maaha
Dhaqankaada saydh maaha
Soomaali diid maaha
Sidaad doonto yeel maaha
Dhulka oon ku sidi waayin
Samadoo la kora maaha…

Xilliyada wax saareenka
Iyo saacaddaa reebban
Sabadiyo rugtay joogtay
Gabadh timid ma saalloona
Ku salliya Rasuulkiinna (C.S.W)
Salka dhiga guryaha seexda
Sunsun falan siddaha fayda
Sati fudud salaan sheega
Indha suhub af geed saara
Hadba surun ka sheekeeya
Sidan iyo sidaas yeela
Erayada saluuggoo dhan
Kuma lihid sahray meella…

Sumbo iyo maraadaa leh
Inta sibiq dhaqaaqdaa leh
Sagan daaqa jiiftaa leh
Inta marinka seegtaa leh
Waxba aan sugayn baa leh
Inta sharafta saydhaa leh
Suuraafta maqan baa leh
Xadhig lama sitaan baa leh
Saca faarsa nacay baa leh
Barni sumal xadkeedaa leh…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.