MAANSO: HANFI

Maansadan oo ka hadlaysa marxaladda ay Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto wakhtigan, waxay soo baxday 12 January 2017, waxaana curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin.

Anoo hadal waa dawee,

Anoo hugunkii ka tegay,

Geddii hal-abuur lahaa,

Tixiyo heestiiba dhigay,

Afkuna hadalkiiba jaray,

Hashii soomay I kicin,

Adaan kaa hoogayeey,

Maxaan kaa filaayay hiil,

Huqdaydu miyey ku dhibin?

Maandeeq ku hadaaqdayoo,

La oyday hurgumada qarsoon.

Sidii heeryo layga rogay,

Haraatida igu dhacdaan,

Haddeerba baraarugee,

Runtii show waan hagraday.

Bulshadu way heeran tahay,

Hog baa lagu sii wadaa,

Hir iyo been loo dhisiyo,

Haasaawaa lagu sabaa,

Tiiyoo hantideeda dhacan,

Haamaha laga buuxsaday,

Haddana Yaxaas oohintii,

Horteeduun lagu qubay,

Hanfade ka rumaysataa!

Hacoo boqno goynayey,

Hadhuubka u soo cushaa.

Bulshadu way heeran tahay,

Hanfaa gogol looga dhigay,

Surmay la haraaddanyiin,

Qalfoofbaa haragga sudhan,

Hankii waa hore ka dhimay,

Hed iyo iilkay sugaan!

Bulshadu way heeran tahay,

Hoygoo nabadey haddana,

Jiilkii hananlahaa xornimo,

Aqoonyahan iyo horseed,

Ka lumeen hilinkii rejadda.

La muran hoorrigu waxgarad,

Tirsade sidii laba hablood,

Cirrooluhu haybad beel,

Hayb iyo hayb laysu sooc,

Hawaarsade geeri go’an!

Bulshadu Hangaftii ma dhigin,

Hooyadu qaydkii ma furin,

Naftooda kuwii u huray,

Halyeygeedii tebtoo,

Habaaskii lagu rogiyo,

Halkii lagu aasay beri,

Hoggay dib u eegaysaa.

Bulshadu way heerantee,

Hadhaagii wuxuu ku yidhi,

Hoheey kuwa iga hurdoow,

Hoheey kuwa igu digtoow,

Hoggaankay ninkii hayoow,

Mabaan heermeen hadduu,

Midkiin uun igu hirtee,

Hoheey kuway loogayee,

Hambada cadow siinayoow,

Intaanad hagardaamaday,

Hadhowto ka qoomamoon,

Hambaabirin geeridayda,

Hadday talo kuu dhawdee,

Ducada hoorsoo gacmaha,

Rabbigeen ha hagaajiyee,

Yilida haw qubin hilbaha.

W.C: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Email: qalinbila01@gmail.com

Twitter: @YasminKahin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

MAANSO: HANFI

Maansadan oo ka hadlaysa marxaladda ay Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto wakhtigan, waxay soo baxday 12 January 2017, waxaana curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin.

Anoo hadal waa dawee,

Anoo hugunkii ka tegay,

Geddii hal-abuur lahaa,

Tixiyo heestiiba dhigay,

Afkuna hadalkiiba jaray,

Hashii soomay I kicin,

Adaan kaa hoogayeey,

Maxaan kaa filaayay hiil,

Huqdaydu miyey ku dhibin?

Maandeeq ku hadaaqdayoo,

La oyday hurgumada qarsoon.

Sidii heeryo layga rogay,

Haraatida igu dhacdaan,

Haddeerba baraarugee,

Runtii show waan hagraday.

 

Bulshadu way heeran tahay,

Hog baa lagu sii wadaa,

Hir iyo been loo dhisiyo,

Haasaawaa lagu sabaa,

Tiiyoo hantideeda dhacan,

Haamaha laga buuxsaday,

Haddana Yaxaas oohintii,

Horteeduun lagu qubay,

Hanfade ka rumaysataa!

Hacoo boqno goynayey,

Hadhuubka u soo cushaa.

 

Bulshadu way heeran tahay,

Hanfaa gogol looga dhigay,

Surmay la haraaddanyiin,

Qalfoofbaa haragga sudhan,

Hankii waa hore ka dhimay,

Hed iyo iilkay sugaan!

 

Bulshadu way heeran tahay,

Hoygoo nabadey haddana,

Jiilkii hananlahaa xornimo,

Aqoonyahan iyo horseed,

Ka lumeen hilinkii rejadda.

La muran hoorrigu waxgarad,

Tirsade sidii laba hablood,

Cirrooluhu haybad beel,

Hayb iyo hayb laysu sooc,

Hawaarsade geeri go’an!

 

Bulshadu Hangaftii ma dhigin,

Hooyadu qaydkii ma furin,

Naftooda kuwii u huray,

Halyeygeedii tebtoo,

Habaaskii lagu rogiyo,

Halkii lagu aasay beri,

Hoggay dib u eegaysaa.

 

Bulshadu way heerantee,

Hadhaagii wuxuu ku yidhi,

Hoheey kuwa iga hurdoow,

Hoheey kuwa igu digtoow,

Hoggaankay ninkii hayoow,

Mabaan heermeen hadduu,

Midkiin uun igu hirtee,

Hoheey kuway loogayee,

Hambada cadow siinayoow,

Intaanad hagardaamaday,

Hadhowto ka qoomamoon,

Hambaabirin geeridayda,

Hadday talo kuu dhawdee,

Ducada hoorsoo gacmaha,

Rabbigeen ha hagaajiyee,

Yilida haw qubin hilbaha.

 

W.C: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Email: qalinbila01@gmail.com

Twitter: @YasminKahin

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.