MAANSADA GALABTII MADOOBAYD

Galabtii madoobayd
Qaraxii na gaadhiyo
Gamtii aynu noqoniyo
Gubashada dadkeeniyo
Maydkeeni goo go’ay
Goortaan xasuustaba
Gocashada habeenkii
Gami waayay jiifkee
Umadaydu guuloow
Bal maxay galeenoo
Laga goynayaa weli

Gobolada dalkeeniyo
Geesaha aduunkiyo
Geyigaba dhamaantii
Lama sheegin goornaba
Galabtii madoobayd
Sidii soobe loo galay
Wax kaloo gadeeda ah

Galabtii madoobayd
Inta gaari dhimatee
Gardaradu haleeshiyo
Inta gabadh la waayiyo
Inta gaban siqiirtiyo
Inta gacal is waydaa
Geedaha ka fara badan

Galabtii madoobayd
Inta hooyo gubatiyo
Inta ruux gayaanoon
Gafba aan samayn weli
Gegidaa ku dhimatiyo
Badanaa qof goobtaa
Wadku uu ku gawracay

Galabtii madoobayd
Inta ololkii gaadhigu
Gebiyada ku laaliyo
Inta uu gariirkii
Dhulka hoose geeyee
Aakhira u guurtiyo
Garaad way ka badan tahay
Intuu gurri ku jiifsaday

Ruuxii garaad lihi
Gar allee ma yeeleen
Galabtii madoobayd
Baladii gudaysiyo
Geeridii na laysiyo
Xasuuqii na gaasiray
Inuu nagu galaaftee
Waxa Gaysta caynkaa
Gadh wadeen xumaadiyo
Ninka ay ku guuraan
Gaalkiyo shisheeyuhu

Gob hadaan ahaan jiray
Maalintaan gumoobeen
Goblameen is eedaay
Sanad guuradaadani
Gacal tooyo maahoo
Inta inan gashaantiya
Ama guurti odaya ah
Ama gacalo hooyo ah
Ama aabo geesiya
Gidigood la aasee
Galabtaa la waayaa
Gabayada baroorta ah
Aakhira gunteediyo
Godka kaaga tiriyoo
Shacabkayga guudbaa
Gu’gii aad timaadaba
Godob kaa tirsanayee
Afar toban gal baaseey
Yaa gudin af wayniyo
Ablay kugu garaacoo
Kaa gooya maalmaha
Ama bilaha guudiyo
Gebigoodba kaa tira
Xiliyada la guuriyo

Guubaabo mooyee
In october garacyadu
Muslimiinta gaadaan
Umadana guhaadshaan
La garawsan maayee
Caku garashadaydaay

Galabtii madoobayd
Gudcur baa bilaabmoo
Dhulku wuxu la gaagaxay
Ilmadii ka gabax tidhi
Gurboodkiyo dhalaankii
Iyo geela kii jiray

Galabtii madoobayd
Guunyo way dhamaatoo
Hantidii la gadi jiray
Iyo ganacsigeenii
Kama yaalo giniyoo
Gambo waanay noo hadhin

Galabtii madoobayd
Gud gudaha hilaaciyo
Godlan waa cirkiiyoo
Guulaamo hoortiyo
Gamashiye darruuruhu
Waayeelka goortii
Gogoshuu lahaan jiray
Dabka lagu gadaamee
Gaas lagu rusheeyee
Giriyaad banaaniyo
Laga dhigay gabaahiir

Galabtii madoobayd
Gal dalooladeedii
Weli lama gufaynoo
Waxaan laga gayoonayn
Gunaadkay abuurtiyo
Muuqaal gurracanoo
Tallo iyo gorfayniyo
Gaashaan u baahane
Waxaan geeshka leeyahay
Turki noo gar gaartoo
Kuwii dhiiga goostiyo
Guray dhaawaceenaa
Gurmad noo sameeyee
Galladiyo abaalkaa
Gunto oo xasuusnoow

Waxaan geeshka leeyahay
Cadaw soo gudbaayaad
Ku gadaamantahayoo
Gudoodiga habeenkii
Dhaxanta iyo gawraha
Sida galowga fiinta ah
Hadii aanad guurayn
Waxa gaadhka kuu qaban
Bahalada ku gaadiyo
Goodkiyo abeesada
Waanay kaa gar joogaan
Haday gawska mariyaan
Maati aan gadoodayn

Waxaan geeshka leeyahay
Hadii aanad gaajada
Adigoon gasiin cunin
Goobaha colaada ah
Nafta aanad gay nayn
Maad gudan xilkaagoo
Adaa gabay dadkaagii

Waxaan geeshka leeyahay
Dibada iyo gudahaba
Hadaan laysu garabsanin
Oon hawsha geesaha
Gacmo wada jiraa hayn
Heli maysid guuliyo
Sharaf aad u gaar tahay

Waxaan geeshka leeyahay
Galabtii madoobayd
Ruuxay gantaaladu
Intay gudub u raaceen
Garka iyo halbawlaha
Nabar uu ka gaadhee
Guluubyada indhaha iyo
Intuu beelay garashada
Gacmahana ka naafo ah
Hadii aanad guudkiyo
Garabkaaga saarayn
Gobba waanad noqonayn

MAANSADA: GALABTII MADDOOBAYD
XUSKA MAALINTII NAXDINTA LAHAYD EE SOOBE LA QARXIYAY, 14.10.2017
Ereyadii: ABWAAN YAHYE KOOSHIN

One thought on “MAANSADA GALABTII MADOOBAYD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.