Maansada: Anuun baa hooyadaa ah

Maansadani waxa ay ka mid tahay maansooyinka Hadraawi ee dambe. Waxa ay curatay 26kii April 1998. Waxa ay ku saabsan tahay hooyo dhashay dhawr wiil, ku soo tacabtay barbaarintooda hiil iyo hooba, soona ababisay, korisey oo bulshada dhex keentay iyaga oo 'mudh baxsan oo wada xal xalan' oo xilligii kaalin qaadka jooga, quruxda iyo shacnigooda shaydaanka laga naarayo. 


Hanaqaadkii inammadaas ka dib, ayay hooyadaasi ku keliyeysanaysaa oo inammadii kaga dhaqaaqayaan halkii ay ku soo hadal iyo hadaaq bartay, rugtii ay ku soo ababisey ee ku soo korisey. Waxa isku soo hadhaya gurigaas oo mugdi ah iyo hooyadaas oo cad ah (da' ah). Waxa ay dareemaysaa in ay goblan tahay iyada oo haddana inammo dhashay oo weliba ay meel la joogaan. Waayo inammadu kama war qabaan hooyadood in ay xalayto nabad qab ku seexatay iyo in ay saaka nabad ku waaberiisatey, ma oga xaalkeeda iyo waxa ay ku sugan tahay. Waxa ay hooyadaasi ku ciil belbeshaa oo tidhaahdaa: "Tib dhalay, oo Mooye dhalay, Magalooti dhalay, Soo muuqde dhalay, Sii muuqde dhalay, goblan wiilal lagu falaan ahay!

Dareenkaas ayay maansadu ka dhalatay, waana hoga-tus ku saabsan hooyada doorarkeeda, hankeeda iyo hirashadeeda iyo docda kale dheg-weynida iyo dammanida ubadka, gaar ahaan kuwa dayaca waalidka ee ka gaabiya gudashada iyo garashada xaqa iyo xuquuqda waalidka, gaar ahaan hooyada. Hooyadaas dayaca iyo darxumadu haleeshay oo aammusi kari weydey, hooggeedana qarsan kari waydey waxa ay tidhi: 
Hunguri calafbaa xukuma
Hantina dhaqanbaa shushuba
Dadkana hiddihiisa guud
Wixii la hayaa dhexyaal

Xaq iyo u-hal-buuxintiisa
Habboonkiyo waalid tiisa
Hilbiyo ku-arooridooda
Siduu uga hawl yaraysto
Halmaan laga yeeli maayo
Hawiyo tumashoy dhashayda
Ka daa gacan-haadiskaaga

Barbaar hanaqaad ku leexday
Duciyo habaar qaadan waayey
Cir iyo heeguu noqdaa
Hadhaysa dhul aan aqoone
Hoygii madhan wiilashiisa
Haween dumar baa ka sheegta
Hablaha kacaybaa u yeedha
Haldhaa jecel baa u qaybsan

Inaan hadlo maan sugaynin
Baxnaanana maan horjoogsan
Hubsiinana maan illaawin
Hoggeediyo xaajadayda
Dareenka haloosigiisa
Hugiisa inaan ka qaado
Hayaanka fogaaday baa leh
Markaan cidla hiil ka waayey
Naftayda halaanhalkeeda
Waxaan huri waayey sheego

Haantii lulatay dhegayso
Hoobaanta agtaada taalla
Hadiinadu baadi weeye
Hashii korisaa u ciillan

Qofaad halab-saariddiisa
Daryeelka horseedadiisa
Dedaallada heensihiisa
Habeenna ka seexan weydey
Ku meel maray heegantaada
Markuu hagar kuu banneeyo
Dharaar ku haleeli waayo
Hortaada waxaa yimaadda
Sidaad ugu heellanayde
Harraad iyo waa kalkiise
Hillaac baxayow dhegayso
Siday talo kaaga hoostay

Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa
Hayaydana meel shishaa leh
Hiloga naftaa aloosan
Kashaa hinqanaysa goorba'an
Hankaa i waraysanaaya
Tolow hebel mee ku foogan
Aniyo hirashaa is weyney
Higsiga noloshaa adkaaday
Adduun iyo haybsigiisa
Hangool li'idaan ku daayey
Waxaan ku hagaagi waayey
Dhankaad ku hagaagsanayde
Adoo ka hanweyn xaggayga
Qof kuugu hanweyn dantiisa
Cid aad ku hallaysay mooyi!

Halyeynnimadaada sheelan
Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tusayne
Intaan kugu hawlo-daaley
Intaan kugu hoodo-sheegtay

Intaan hebla' kuugu faanay
Hilaado fog bay lahayde
Inaan hafarkaaga qaato
Sidaad ku heshaa da' weyne
Adiyo habigaaga mooyi!

Habaaska inaad cantuugto
Adoo hanadaan ka dooratay
Xaggayga hibaan ku saaray
Anigu ku habaari maayo
Huqbaase ku raadinaysa
Hibaaq xalan maad ahayne
Hufnaanta dhibtii abuurtay
Inaanay hadhayn yiqiinso!

Hawaala adduun rabbaa og
Dadkuna kala hoodo weeye
Haddeer iyo tii haddeer
Hadhow iyo tii hadhow
Hoosiyo sare tii ku raacda
Anuunbaa hooyadaaya.
Poet and living legend, Hadraawi, at Hargeisa International Book Fair 2013, Somaliland. Photo by Kate Stanworth

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.