Maamulka Puntland oo ka horyimid go’aankii isimadu ka soo saareen xiisadda Boosaaso

GAROOWE – (WARSOOR) – War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu diiday bayaan ay shalay soo saareen isimada Puntland, kaas oo ay ku soo gudbiyeen qoddobo dhowr ah oo ay sheegeen inay go’aamiyeen si xal loogu helo xiisadda ka dhalatay xil ka qaadistii agaasimihii ciidanka PSF Maxamuud Diyaano.

Isimada Puntland ayaa qoraalka ay shalay soo saareen, oo ka koobnaa lix qodob ku sheegay in la fuliyo wareegtada madaxaweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee lagu beddelayey Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, taasi oo 24-kii bishii hore xilkaas uu u magacaabaysay Sarreeye Guuto Maxamed Amiin Cabdulaahi.

Isimada ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay inay go’aamiyeen in guryaha, hubka iyo gadiidka uu mulkiyaddooda leeyahay sarreeye guuto Maxamuud Cismaan Cabdulaahi.

Halka qodob kalena uu ahaa in maamulka Puntland uu bixiyo kharashka ilaalada taliyihii hore ee PSF iyo xuquuq ka maqan ciidanka PSF mudo 13 bilood ah.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ee Puntland ayaa haddaba lagu yiri:

“Ciidanka PSF iyo hantidooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba waa hanti dowladda Puntland iyo shacabkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara badan oo naftood hurayaal ah, iyaga oo difaacaya amniga iyo dowladnimada ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland. Sidaas darteed waa nasiib darro” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka,

“in qeyb ka mid ah isimada Puntland ay baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, ayna ku sheegeen in hantida iyo hubka ciidanka amniga Puntland uu si gaar ah u qaato agaasimihii hore, arrintaas oo meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna galinaysa amniga iyo xasilloonida Puntland, dhiirri-gelinna u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida dawladdu uga masu’uulka tahay shacabka Puntland” ayaa sii raaciyay war-saxaafadeedka madaxtooyada Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa intaas raaciyey in Puntland ay farayso agaasimihii hore ee PSF mudane Maxamuud Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan u wareejiyo dhammaan hantida hay’adda PSF, kuna wareejiyo ciidanka PSF iyo agaasimaha cusub.

Xiisaddan ka dhalay hogaanka hay’adda PSF ayaa timid ka dib markii madaxaweynaha Puntland Saciid cabdullaahi Deni uu 24kii bishii November uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayo agaasimihii hay’adda Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, kuna magacaabay Sarreeye Guuto Maxamed Amiin Cabdulaahi.

XIGASHO: VOA SOMALI