Maamulka Israa’iil oo maalintii Afaraad wado xanibaadda Masjidka Al-Aqsa

Falastiin -(WARSOOR) – Maamulka Israa’iiliyiinta ayaa maalintii Afaraad sii wado xanibaadda ay ku hayaan  dadka ku cibadeeysanayo Masjidka Al-Aqsa. xaaladda Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa ayaa qarka u saaran in ay ka dhacaan isku hor imaadyo u dhaxeeya dadka reer Fastiin iyo Ciidamada Yahuudda.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa qaaday tallaabooyin ay ku dejinayaan xaaladda halkaas ka jiro, balse waxba kama suura galin oo dadka deegaanka ayaa xoog ku galay  Masjidka Al-Aqsa oo ay ilaalinayaan ciidamadii qabsaday.